Badhasaabka Cusub ee Gogoblka Gabiley oo Xilka la Wareegay

0
163

Gabiley (Dawan): Badhasaabka cudub ee gobolka Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa shalay xilkii kala wareegay badhasaabkii hore C/qani Maxamuud Jiidhe.

Waxaana labadda guddoomiye xilalka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Munaasibadan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Hawlaha guud Maxamuud Warsame Jaamac.

Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha Dawladda, xubno ka tirsan golaha deegaanka Gabiley, masuuliyiinta gobolka iyo Wax-garadka gobolka Gabiley.

Badhasaabkii hore ee Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo munaasibadda uu xilka ku wareejinayay ka hadlay ayaa

Waxaanu yidhi “Sharaf ayay ii tahay inaan maanta xilka guddoomiyaha gobolka Gabiley aan ku wareejiyo Cabdikariim Adan Xaaji Diiriye, oo ah masuulkii horre aan ugu wareejiyey xilka xafiiska badhasaabka gobolka Sool.

Waxaan u mahad-cellinayaa xubnihii heer maamul ee aan soo wada shaqaynnay ee uu ugu horeeyo gudoomiye xigeenka Cali Casse, Gudoomiyaha Degmada Gabilay, Golihiisa Deegaanka iyo mamulka Dawladda Hoose iyo Guddoomiye-yaasha degmooyinka gobolka, Gabiley iyo guud ahaan shacabka sharafta leh ee gobolka Gabiley, oo si gobonnimo leh aan u wada shaqaynnay muddadii aan hoggaanka gobolkan hayey qalbigayga ku wayn”.

Sidoo kale C/qani Jiidhe, ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland, iyo masuuliyiinta gobolka Gabiley, iyo madax dhaqameedka, iyo waxgaradka gobolkaasi mudadii ay soo wada shaqeeyeen.

“Waxaan keloo u mahad-naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo iigu aaminay iina ii igmday xillal muhiim u Qaranka.

Heer kasta ha ha ahadeen maskabyada Qaranku waa meerto xil haddii la hayo iyo haddaan la hayna waa waajib in laga shaqeeyo danta guud & maslaxadda ummadda diyaar baana u ahay inaan ka hawl-galo oo aan bulshada iyo Madaxweynahaba aan kala shaqeeyo” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Geesta kale badhasaabka cusub ee Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa isna ka mahad celiyay in mar kale uu madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay guddoomiyaha gobolka Gabiley.

Waxaanu sheegay inuu si hagar la’aan ah u guddan doono masuuliyadiisa, iyo shaqadda qaranka ee loo igmaday.a

 

 

Leave a Reply