Hargeysa: Xubnahii ugu Horeeyey ee Martida 18 May oo Dalka soo Gaadhay

0
147

Hargeysa (Dawan)- Sida uu shaaciyey Dr Jaamac Muse Jaamac, Guddoomiyaha xarunta Dhaqanka Hargeysa waxa dalka soo gaadhay hormadii koowaad ee Martida 18 May oo ka kooban ilaa 10 wadan oo caalamka ah.

Dr Jaamac ayaa sheegay xubnahan oo u kala dhashay dalalka Ruushka, Maraykanka, Jarmalka, Ireland, Ingiriiska iyo kuwo kale soo gaadheen xarunta Hargeysa.

Hormadii labaad ee martida 18 May ayaa la filayaa inay berri dalka soo gaadhaan. Martida 18 May oo sannad walba munaasibadaha kala qeybgala shacabka oo sanadahii u dambeeyey dalka imanayey, ayaa marka ay wadamadooda ku noqdaan gaadhsiiya shacabkooda iyo xukuumadahooda xaaladaha nololeed iyo siyaasadeed ee dalka, isla markaana safiiro sharafeed u metela Somaliland

 

 

Leave a Reply