Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Guddi u saaray ka shaqaysa Xeer hoosaadka labada Gole

0
182

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaanada golahaasi u sheegay inay ka nastaan ka hadalka xeer hoosaadka ay ku wada shaqaynayaan labada Gole ee Wakiillada iyo Guurtida.

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo ka doodaya ajandaha kal-fadhiga 81-aad ee golahaasi ayaa xildhibaanada qaar soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in la helo xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen labada gole ee Wakiillada iyo Guurtidu, waxaanay shir-gudoonka u soo jeediyeen inay hawshaasi ka ka hawl galaan, xildhibaanada ayaa intaas ku daray inay ku jaho wareersan yihiin la shaqaynta golaha Wakiillada oo aanay wax jawaab celin ah oo xagga xeerarka ahi aanay kaga soo noqon.

Intaasi ka dib Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhiga shir-gudoominayay ayaa mudanayaash ku wargaliyay in arrinta xeer hoosaadka labada gole uu u saaray guddi ka shaqaysa oo ay hormood u yihiin labada gudoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka, waxaanu sheegay in iyaga laga sugayo inay dhamaystiraan xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen labada gole waxaanu yidhi

Waxaanu yidhi.’’Xeerka wada shaqaynta labada gole horena waynagii guddi ugu saarnay, guddida curinta xeerka wada shaqaynta labada gole ee wakiillada iyo guurtida waxa ka madax ah labada guddoomiye ku xigeen ee wakiillada iyo guurtida, Siciid Jaamac Cali iyo Siciid Faarax Mirre Giire, yaynaan sugi waayin, ka nasta Siciid iyo Giire ayaynu ka sugaynaaye”

 

 

Leave a Reply