Caalamka Iyo Dhibtaada Dherega Iyo Gaajada!

0
132

Prof. Kurt Godel wuxu ahaa aqoonyahan xisaabta, falasafaada iyo cilmiga Logic si xeel dheer u yaqaanay oo Maraykan ahaa laakiin markii hore asal ahaan Jarmal ah.

Kurt waxa ku dhacay xanuunka shakiga (Paranoia ) oo kaasi oo ku keenay in cuntada gabadhiisu samayso keliya uu cuno isagoon haba yaraatee  xanuunka ka dib aan marna qaadan cunto kale, xataa Kurt waxa uu ka shikisanaa tan uu isagu gaantiisa ku samaysto.

Bishii Janaury sanadkii 1978 ayuu dhintay waxaana sabab u ahaa xanuuno ka dhashay gaajo iyo cunto xumada uu sabab u noqday xanuunka shakiga ee asiibay.

Haddii ay Prof.Kurt gaajo dishay dhinaca kale Boqorkii Adolf  Fredric oo dalka Sweden xukumayay badhtamihii qarnigii 18aad ayaa isaguna u dhintay dhereg  xad dhaaf. Boqorka ayaa caan ku ahaa inuu qaato raashin kala duwan oo mar kastana is dibiriyo isagoo aan haba yaraatee ogolayn inuu marna dareemo wax gaajo ah.

Sababta dhimashadiisa aya lagu sheegay inay ahayd dhibaato dheefshiidkiisa ku dhacday ka dib markii uu qaatay cunto aad u badan oo kala duwanayd, waxaan ay keentay inuu dheefshiidku gabo shaqadiisa isla markaan calooshu dibiro awgeed weynaato, ugu danbaystiisna uu u dhinto.Ardayda dugisyada ayaa u taqaanay boqorkii dhergiyay naftiisa ilaa intii uu ka dhimanayay .

 

 

 

 

Leave a Reply