Dhibaatada Milixda Badani Sababto!

0
165

Daraasad ay soo bandhigeen khubaro caafimaad oo aqoon u leh cuntada iyo nafaqada ayaa cadaysay  in cuntada milixda leh ay sanadka kasta keento  kumaanan xaaladood oo dhimasho.

Cilmi baadhayaasha ayaa kula taliyay  dadka in qaadashada cusubada iyo milixda la yaraysto.

 

Waxayna warbixintu sheegtay in nus malyuun qof u dhiman doonaan sanadada soo socda milixda badan.  Milixda ayaa inta badan keenta sida ay  warbixntu  cadaysay xanuunada wadanaha, keliyaha, dhiig karka  iyo iyadoo dhibaataysa shaqada maskaxada.

Isticmaalka cuntada milixdu ay ku badan tahay ayaa inta badan keenta geerida degdeg ah sida ay warbixintu sheegtay  taasi oo ay ku sameeyeen baadhis cilmi baadhayaasha qaaday tijaabada

caafimaad.  Daraasaddan oo ay sameeyeen jaamacadda “Deakin” Australi ayaa intaasi ku dartay in milixda badani wax yeelayso u geysato maskaxada.

 

Leave a Reply