Fannaanada Shaden Gardood oo ku dhimatay dagaalka Suudan

0
146

Mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan dalka Sudan oo lagu magacaabi jiray Shaden Gardood ayaa lagu dilay israsaasayn ka dhacday magaalada Omdurman ee dalka Suudaan.

Gardood ayaa ku dhintay iska horimaadyo dhexmaray ciidamada Sudan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF) Jimcihii.

Dhimashada 37-jirkan ayaa timid hal maalin uun kaddib markii dhinacyadii dagaallamayay ay saxeexeen heshiis lagu dhimayo dhibaatada dadka rayidka ah.

Sudan ayaa bishii April waxaa ka qarxay dagaal ka dhashay loolan xoog leh oo ka dhex aloosan hogaanka militariga dalkaasi.

Gardoodka waxay ku noolayd xaafadda al-Hashmab, halkaas oo joogitaanka ciidamada RSF ay ku kordheen maalmihii la soo dhaafay.

Heraa Xasan Maxamed oo ay u tahay habar yar ayaa barta Facebook ku xaqiijisay geerideeda waxayna tidhi: “Waxay ii ahayd hooyo iyo gacaliye, waan isku xidhanyn, Alle ha u naxariisto.

Kadibna waxay qortay odhaahda islaamiga ah ee loo adeegsado markuu qofku dhinto: “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun”.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayay Gardood isku dayeysay in ay ka gabato madaafiicda lagu soo ridayay, waxayna ka codsatay wiilkeeda in uu daaqadaha ka xidho.

Waxaa la maqli karay iyada oo leh: “Ka taga albaabbada iyo daaqadaha…Insha Allaah, waxaynu dhiman doonnaa inaga oo diyaar ah oo xidhan dharkeena,waa inaad xidhataa kan, waxaan ku dhiman doonnaa si wanaagsan.”

Gardood ayaa si joogta ah Facebook-ga uga soo duubtay muuqaalo toos ah oo ay kaga hadlayso iska horimaadyada iyo duqeymaha ka dhacay xaafadeeda, waxayna si adag u qortay dagaalka.

Mid ka mid ah qoraaladeeda ugu dambeeyay ee ay soo dhigtay Facebook, ayay ku tidhi: “Waxaan ku xayirannahay guryahayaga muddo 25 maalmood ah… waan gaajaysannahay oo waxaan ku noolnahay cabsi aad u weyn, laakiin waxaan ka nabad galay billiqada anshax iyo qiyamkayga wanaagsan,” iyada oo ula jeedday bililiqada guud ee Khartoum, caasimadda Suudaan.

Gardoodka ayaa deganayd agagaarka dhismaha TV-ga iyo raadiyaha qaranka oo ahaa goob dagaal maalintii ugu horeysay ee dagaalka.

Ciidanka RSF-ta ayaa ilaalo ka hayay dhismaha, waxaanay la kulmayeen duqeymo joogto ah oo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka, iyada oo iska horimaad dhulka ah uu dhexmaray labada ciidan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ay isku xaafad ka tirsan yihiin magaalada Garood ayaa yidhi: “Xalay iska horimaadku wuxuu ahaa mid xooggan, kaas oo saacado badan socday oo xalay oo dhan ay dul heehaabayeen diyaarado dagaal.

“Laakiin waxa aan arkay ayaa ah in iska horimaadyadu ay yara yaraayee .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in markii dambe Gardood ay u geeriyootay dhaawacii soo gaadhay.

Gardood waxay la noolayd wiilkeeda oo 15 jir ah, Hamoudi, iyo hooyadeed iyo walaasheed.

Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo RSF ayaa ka socda magaalada Khartoum ku dhawaad ​​afar todobaad.

Iskahorimaadku wuxuu qarxay badhtamihii bishii Abriil, markii RSF ay diiday in lagu daro ciidamada Suudaan iyada oo loo marayo isbeddel qorshaysan oo loo beddelayo xukun rayid ah.

In ka badan 600 oo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 4,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo 80% isbitaallada la xiray cunto, biyo iyo koronto la’aan daran.

Gardood waxay asal ahaan ka timid gobolka Koonfurta Kordofan, oo ah aag dagaal ilaa 2011, ka hor inta aanay soo degin Khartoum iyada iyo qoyskeeda.

Waxay u heesi jirtay nabadda iyo amniga gobolkeeda waxayna kor u qaaday dhaqanka bulshada la hayb sooco ee al-Bagara, ee Koonfurta Kordofan. Waxay kale oo qayb ka qaadatay soo noolaynta Dhaqankii Xakamas: oo ahaa gabayadii dhaqanka ee ahaa in la dhiiri geliyo nabada.

Sidoo kale heesaha marka laga tago, Gardood waa cilmi-baadhe ku takhasusay laxanka al-Bagara, waxaana ay soo bandhigtay waraaqo uu kaga hadlayso dhaxalka Xakamas waayadii hore iyo hadda.

Dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Khartoum lagu dilay tiro dad ah oo caan ah, waxaana ka mid ahaa aktaradii ugu horreysay ee xirfadle u ahayd Suudaan, Aasiya Abdelmajid, oo ku geeriyootay israsaasayn iyada oo 80 jir ah.

Ciyaaryahankii hore ee kubada cagta Fozi el-Mardi, oo 72 jir ah, ayaa sidoo kale la dilay dhowr maalmood ka dib dhimashadii gabadhiisa oo lagu dilay israsaasayn ka dhacday Omdurman.

Leave a Reply