Jarmalka oo Zelensky ugu ballanqaaday hub iyo waxyaabo kale

0
226

Volodymyr Zelensky madaxweynaha dalka Ukraine ayaa ku sugan magaalada Berlin si uu wadahadalo ula yeesho hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Madaxweyne Frank-Walter Steinmeier, waana booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago Jarmalka tan iyo markii Ruushka uu soo duulay.

Safarkan ayaa imanaya maalin kadib markii Jarmalku uu ku dhawaaqay in uu hub qiimihiisu ku dhaw yahay saddex bilyan oo doolar siin doono Kyiv.

Axaddii shalay gelinkeedii danberna, Madaxweyne Zelensky waxaa lagu sharafi doonaa, abaalmarinta dalkaa ee Charlemagne.

Abaalmarintan waxa lagu  aqoonsadaa kuwa ugu dadaalka badan horumarinta midnimada Yurub. Kuwa hore ugu guuleystayaasha waxaa ka mid ah Winston Churchill, Pope Francis iyo Bill Clinton.

Imaanshaha Jarmalka Zelensky ujeedadiisa waxa uu ku sheegay sida uu ku qoray bartiisa twitterka: ” Berlin waxa nooga qabsoomay. Hubka. Xidhmooyin wax noo taraya. Difaaca hawada iyo Dib u dhiska”.

Sabtidii Jarmalku waxa uu daaha ka fayday xidhidhkiisii ​​ugu weynaa ee gargaarka milatari ee Ukraine ee weligii.

Berlin waxay sheegtay inay siin doonto 2.7bn (£2.4bn) oo hub ah, oo ay ku jiraan taangiyada Leopard iyo hababka lidka diyaaradaha ee Kyiv.

Sababo dhanka ammaanka ah darteed, dowladda Jarmalku faahfaahin yar ayey ka bixisay dhaq-dhaqaaqa madaxweyne Zelensky – balse waxa uu horay ula kulmay madaxweynaha Jarmalka, waxaana la filayaa in uu wadahadal la yeesho Ra’iisal wasaare Olaf Scholz.

Warbaahinta Jarmalka ayaa sidoo kale sheegtay in, galabnimada, madaxweyne Zelensky uu u safri doono galbeedka magaalada Aachen si uu uga qayb galo gudoonsiinta xafladda abaalmarinta Charlemagne.

Diyaarada hogaamiyaha Ukraine ayaa timid iyada oo ay galbinayeen laba diyaaradood oo kuwa cirka ah oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Madaxweyne Zelensky ayaa ka soo duulay dalka Talyaaniga habeen hore ka dib booqasho uu halkaas ku tagay Sabtidii, isaga oo la kulmay Madaxweyne Sergio Mattarella, Ra’iisul Wasaaraha Giorgia Meloni, iyada oo sidoo kale uu kulan dadku dhegaysnayeen oo gaar ah uu la yeeshay Pope Francis.

 

Leave a Reply