Tirada meydadka laga helay keynta Shakhola ee Kenya ayaa gaadhay 201

0
187

 

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dawlad Kenya .Baarayaal baadigoobaya dad ka badbaaday iyo dhibanayaasha kaynta Shakahola ee Kenya ayaa Sabtidii helay 22 mayd oo kale,

Daah-furka ayaa ka dhigaya tirada dhimashada mid ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee dalka ka dhacay 201.

“Kooxdeena dambi baadhista waxa u suurtagashay in ay soo saaraan 22 qof oo meyd ah ”sidaasi waxaa yidhi Rhodah Onyancha oo ah guddoomiyaha gobolka oo la hadashay warfidiyeenada ku sugan keymaha Shakahola ee Koonfur Galbeed ee dalka Kenya oo baadhitaanku uu weli ka socdo.

Dad badan ayaa la layahay, Laanqeyrta cas ee Kenyana waxay sheegtay in 609 qof oo ka tirsan qiyamka lagu eedeeyay in uu hogaamiyo Paul Mackenzie la la’yahay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa qirtay in dowladu ay ku guuldareysatay inay ilaaliso ama ka war hesho intii waxani dhacayeen.

Hogaamiyihii urur diimeedka ayaa wali ku jira xabsiga booliska,waxaana la sheegtay in sidoo kale la xidhay hal tuhmane oo kale, taas oo tirada guud ee dadka u xidhan dhimashada ka dhigeysa 26.

 

Leave a Reply