Milicsiga Maalmihii iyo Marxaladihii ay Dhashay 18 May..Qaybtii 2aad

0
152

Maalinta gooni-isutaagga ama xoriyad la soo noqoshada Jamhuuriyada Somaliland ee 18 May, waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan Dalkeena iyo wadamada dibadaha ee ay joogaan jaaliyada dadka reer Somaliland.

maalintani waxay ku timi sidii aan kaga soo hadalnay qormadeennii hore sanadkii 1991-kii shirweyne ay beelaha Somaliland ku qabsadeen magaalada Burco, kaasoo ay ku go’aansadeen in ay Somaliland noqoto qaran madaxbanaan oo ay xoriyadii luntay 1960-kii, dib ula soo nqodaan, waxaana go’aankaasi saxeexay golihii dhexe ee Ururkii SNM (Somali National Movement), iyadoo ay halkaasi ku soo dhimatay riyaddii raadinta in la helo Shan Soomaaliyeed oo noqda wadan kaliya.

Aynu dib u yara laabano’e In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xooggagii jabhaddii SNM,kaasoo ay ugu dambeyn ku jebiyeen quwaddii milateri iyo taliskii maamul nidaamkii Siyaad Barre, ka dib waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen dhismaha Qarankan maanta u dabaal-degaya sanad-guuradii 32aad, iyada oo aanay cid dhexdhexaadisay iyo dawladdo shisheeye oo u soo gurmaday toona.

Tani waxay astaan iyo sumad u tahay bislaanshiyaha bulsho, ilbaxnimada iyo muhaniyadda umadda Somaliland. Waayo? Way adagtahay inay tan oo kale adduunka badankiisa si fudud uga suurto-gasho oo ay Dad aan sharci iyo nidaam u dhisnayn oo awood siman haystaa, markiiba aqbalaan inay ku heshiyaan inay dhexdooda ka samaystaan awood maamul, iyadoo aan xoog iyo xeelad toona laysku muquunin ee fadhi iyo wada-tashi lagu go’aamiyey.
Halkani waa albaabkii ay dadka Jamhuuriyadda Somaliland ka soo bilaabeen dawlad dhiska, isugu-tanaasulka hogaaminta masiiriga ah iyo maamul-wannaaga, iyadoo ay ilaa maanta taasi tahay mida uu adduunku ku majeerto, kuna qiimeeyo, isla markaana qof kasta oo muwaadin ah qanneecadiisa ku dhex nool.

Laba iyo soddon sanno kaddib, guullaha kala duwan ee uu dalkeenu suntay, kuwaasoo aynu si guud ugu sharxi doono qormooyinkeenan, innagoo qaybo u kala qaadayna, waynu u daaddegi doonaaye, mar kale 18-ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgameyaashaasi.

Geesta kale, aynu is xasuusino’e Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhda koowaad waa tii ka horeysay 1991kii ee ku curdin-dhadhay Israacii Soomaaliya, midhaheeduna ahaa xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii.

Sidaas awgeed, sumadda Taariikheed ee xornimada Jamhuuriyadda Somaliland waa 26-kii June 1960, halka ay 18-ka May 1991-kii ay tahay Baaddi soocda Qaran ee Dalkeena.

Wakhti badan ku lumin mayno inaynu ka sheekayno duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, balse sidaan hore u xusnay waxaynu is dultaagi doonaa xaaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo 1991kii.

Aynu ku bilownee,yagleelkii dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaddib xorayntii Waddanka, waxa seeska loogu dhigay Burco, halkaasoo ay iskugu yimaadeen, go’aankanna ku wada qaateen dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland.

Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen islamarkaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. Shirkan waxaa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii Guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin.

Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool.

Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan hogaamiyihii Ururkii SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato, waxaana ku-xigeen loo doortay Muj. Xasan Ciise Jaamac.

In hogaanka Dalka xornimadiisa la soo noqday lagu wareejiyo maamulkii SNM, waxay kamid ahayd go’aamadii lagu ansixiyey shirweynaha, waxaana sidaasi ku taliyey Odayaashii Guurtida dhaqanka ee Beelaha oo ka koobnaa qaybaha bulshada, kuwaasoo muddo ka baaraan-deggaayey samato-bixinta Dadka iyo dalka Jabhaddu xoraysay.

Dawladdaas cusbayd ee xukunkeeda loo dhibay hogaankii dhaqdhaqaaqa SNM, waxa ay maalintaas raad-qaadkeedii ay bilowday ilaa maanta ku taagan tahay isku-tashigii umaddeed ee ay hormuudka u ahaayeen Odayaasha iyo indheer-garadka ay badhkood mootan yihiin alle ha u naxariistee, kuwona wali nool yihiin alle cimriga ha u barakeeyee.

Dhismihii xukuumiga ahaa ee ay maanjaraha u qabteen madaxda SNM, inkasta oo ay caqabado badani ka hor-yimaadeen, lana kulmay culays kaga yimi maareynta xaaladihii cakirnaa ee Waddanka ka jiray oo isugu jiray dhisme nabaddeed, nololleed iyo dhaqan-celinneed, kuwaasoo aanay suurto-gelintooda cid taageero ku siisay aanay, haddana waxa uu marxaladii dalku ku sugnaa xilligaasi uu ku simay, in mar kale talada lagu soo celiyo gacanta shacabka oo ay metelayeen guurida Madaxdhaqameedka, culimada iyo waxgaradku, waxaana la madlay shirweynihii 2aad ee ay isugu yimaadeen Ergooyinka Beelaha Somaliland sanadkii 1993-kii, halkaasoo markii ay Dawladdii Cabdiraxmaan-tuur xukunka haysay ee wakhtigu ka dhamaaday loo golle fadhiistay dhismaha maamul cusub oo xukunka la wareegga.

Shirkaas waxa ka qayb galay beelaha Somaliland oo dhan, ururkii S.N.M. iyo siyaasiyiin kale oo ruug caddaa ah. Shirkaas oo muddo lix bilooda socday waxa madaxweyne loo doortay Allaha u naxarii stee Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal. Waxa kale oo la soo dhisay gole baarlamaan oo ka kooban laba hay’ddood oo ay mid waliba waajibaad leedahay. Golaga Baarlamanka ayaa laga dhigay Golaha Wakiillada iyo gole guurti ah.
Golayaashaas oo si cadaaladda oo saami qaybsiya oo raalli laga wada yahay loo qaybsaday.

La soco

 

 

 

Leave a Reply