Talyaaniga oo dadka dhalanayaa hoos u dhaceen

0
231

In qoys la bilaabo ama la dhiso talyaaniga waxay noqotay “Buur u baahan dedaal aad u weyn”  oo dadka hodanka ah oo kaliya ay awoodaan,  sidaa waxa sheegay Pope Francis isaga oo aad uga hadlay  talyaaniga oo ay soo food saartay dhalmo la’aan.

Isaga oo ka hadlayay shir looga hadlayay dhibaatada dadka ee Talyaaniga, wuxuu sheegay in xayawaanada rabaayada ah ee guryaha lagu haystaa ay beddeleen carruurtii dhallan lahayd.

Sidoo kale waxaa masraxa uu ka hadlayey ku sugnaa tobanaan dhalinyaro ah, kuwaas oo xidhnaa funaanado ay ku qornaayeen “waa sameyn karnaa tan” – waxaanay tilmaamayeen in dadka lagu qanciyo in ay carruur badan dhalaan.

Talyaanigu wuxuu leeyahay mid ka mid ah heerarka dhalmada ugu hooseeya ee EU-da, ama Midowga yururb. Dhalmada dalkaas ayaa hoos uga dhacday 400,000 sannadkii hore – waana hoos u dhaca cusub.

Khudbadii uu ka jeediyay Rome, Pope-ku wuxuu sheegay in hoos u dhaca dhalmada ay muujinayso rajo la’aanta mustaqbalka, iyada oo jiilalka da’da yar ay culaysinayaan dareen hubanti la’aan ah iyo walaac ay ka baqayaan in ay guur  waajahaan iyo carruur ay dhalaan.

“Adkaanta in la helo shaqo sugan, kirooyinka guryaha oo cirka isku shareeray iyo mushaharka oo aan wax badan daboolayn ayaa ah dhibaatooyin dhabta  ah,” ayuu yidhi.

Pope Francis waxa uu ka digay in xayawaanadu ay beddelaan carruurtii guryaha qaarkood oo halkii qoysku carruur haysan jiray ay hadda Xayawaan dhaqdaan. Pope-ku waxa uu ka sheekeeyay haweeney ay boorsadeeda ama shandadeeda  furtay, oo ka codsatay inuu “u duceeyo ilmaheeda”. Laakiin ilmo may haysan waxay haysatay Ey yar.

Isaga oo haweenaydaas ka hadlayey waxa uu yidhi “Waxa iga lumay dulqaadkii, waan cadhooday waxaanan ku idhi: “ iga tag! carruur badan baa gaajaysan, adiguna Ey baad ii keentay?” hadalkaasi waxa uu keenay sacab kiciyey dadkii goobta isugu yimid.

Heerarka dhalmadu meelo badan oo dunida ah ayuu hoos u dhacayaa – sida Japan, Kuuriyada Koonfureed, Puerto Rico iyo Portugal. Laakiin Talyaaniga oo ah dalka saddexaad ee ugu weyn dalalka  aaga Eurozone waxaa walaac weyn ka haystaa tirada dadka sii yaraanaysa.

Wadanku wuxuu lumin karaa ku dhawaad ​​shan meelood meel dadka deggan sanadka 2050. Isla markaana, dadku si degdeg ah ayay gabow u noqonayaan – tirada boqol-jirayaasha ee Talyaanigu saddex laabmay 20kii sano ee la soo dhaafay.

Talyaaniga waxaa inta badan loogu yeeraa “Dalka sariiraha maran”. Xitaa Elon Musk ayaa bishii hore ku soo qoray Twitter: “Talyaaniga waa la waayayaa!”

Waxa ay khubaradu ka digayaan in dhibaatada dadweynuhu ay u horseedi doonto saboolnimada qaranka. Wasiirka dhaqaalaha Giancarlo Giorgetti ayaa sheegay in sanadka 2042, hoos u dhaca dhalmada Talyaanigu ay ku dambayn doonto dhimista wax soo saarka guud ee gudaha (GDP) 18%.

Waxaa jira sababo badan oo dumarka Talyaanigu ay ubad yar dhaleen.

Dhalinyaradu waxay la halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen shaqooyin xasiloon, nidaamka taageerada carruurtu inta badan waa mid aan ku filnayn, taas oo ku adkeynaysa hooyooyinka in ay isku mashquuliyaan shaqada iyo nolosha qoyska.

Lix ka mid ah 10-kii hooyooyin ma helaan goobo lagu xannaaneeyo, sida ay sheegtay hay’adda samafalka ee Save the Children.

Dumar badan oo uur leh ayaa lagu khasbaa inay shaqada isaga tagaan, qaarna waa la eryaa markay uur qaadaan.

Heerka dhalashada Talyaaniga ee hoos u dhaca “waa xaalad degdeg ah oo qaran” ayuu yidhi ra’iisul wasaare Giorgia Meloni, oo ka garab hadlayay Pope Francis.

Sawirka labada hoggaamiye – oo labaduba ku labisan madax cad – si wadajir ah u hadlaya ayaa ahaa mid calaamad u ah Talyaaniga, si loo muujiyo in arrintu tahay mid degdeg ah, oo ka baxsan siyaasadda ama diinta.

Leave a Reply