Ardayda Koonfur Afrika oo la dhibaatoonaysa wax akhrinta

0
156

Siddeed ka mid ah 10 kii carruur ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa la dhibtoonaya inay wax akhriyaan, sidaana waxa lagu ogaaday daraasad caalami ah.

Ardayda warbixintu tilmaamtay waa ardayda da’doodu tahay 10 jirka.

Koonfur Afrika ayaa kaalinta ugu dambeysay ka gashay 57 wadan ee lagu qiimeeyay Horumarka dhanka Akhriska ee Caalamiga ah, taas oola  tijaabiyey awooda wax akhriska ee 400,000 oo arday aduunka oo dhan sanadkii 2021.

Akhris la’aanta carruurta Koonfur Afrika ayaa kor u kacday 78% sanadkii 2016 ilaa 81%.

Wasiirka waxbarashada dalka ayaa natiijada ku eedeysay xidhnaanshaha iskuullada inta lagu guda jiro cudurka faafa ee Covid-19. Waxaanay natiijada ku tilmaamatay mid niyad jab ah.

Wasiirka waxbarashada  Angie Motshekga ayaa sidoo kale sheegtay in nidaamka waxbarasho ee dalka ay soo food saartay caqabado taariikhi ah oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin saboolnimada, sinnaan la’aanta iyo kaabayaasha dhaqaale oo aan ku filnayn.

Waxay kale oo dhaliishay qaabka waxbarashada ee Dugsiyo hoose oo badan, waxay tidhi “Waxay diirada saaraan wax-akhriska afka(Oral) ama waxqabadka afka, waxay dayacaan fahamka akhriska iyo saamaynta macnaha erayada qoran”.

Daraasadda ayaa muujisay in 81% carruurta Koonfur Afrika aanay wax ku akhrin karin si ay u fahmaan mid ka mid ah 11-ka luqadood ee rasmiga ah ee waddanka.

Morocco iyo Masar, Koonfur Afrika waxay ahayd mid ka mid ah saddexda waddan ee Afrikaanka ah ee ka qayb qaatay qiimaynta daraasada, waxaana la eegay isbeddellada xagga akhris-qoraalka iyo fahamka akhriska ee da’da sagaal jir iyo 10-jirrada.

Iyada oo ku saleysan imtixaanada la qaado shantii sanaba mar dhamaadka sanad dugsiyeedka, daraasadda cusub ayaa wadamada gelineysa miiska horyaalka waxbarashada caalamiga ah.

Singapore ayaa xaqiijisatay kaalinta koowaad ee qiimeyntan iyada oo celcelis ahaan dhibco dhan 587, halka Koonfur Afrika ay ku jirto kaalinta ugu dambeysa iyaga oo leh 288 dhibcood – waxayna ka hooseeyaan celceliska heerka labaad ee Masar oo ah 378. Dhibcaha ayaa lagu qiimeeyay celceliska caalamiga ah ee 500.

Daraasadu waxa ay sidoo kale muujisay in guud ahaan, habluhu ay wiilasha kaga horeeyeen wax-akhriskooda ku dhawaad ​​dhammaan dalalka la qiimeeyay, laakiin farqiga jinsiga ayaa soo yaraada wareegii ugu dambeeyay ee imtixaanaadka.

Koonfur Afrika waxay la haglamaysaa nidaamkeeda waxbarashada oo ah mid soo jireen ah, iyada oo sinnaan la’aan weyni ka dhex jirto ardayda madowga iyo caddaanka ah oo ka dhalatay kala soocidda carruurta ee nidaamkii midab-takoorka.

Waxbarashadu waa mid ka mid ahmeelaha kharashaadka miisaaniyadeed ee ugu badan uu kaga baxo dawladda, waxaanay tani horseedi kartaa niyad-jab xagga waxqabadka liita ee daraasadu tilmaamatay.

La’aanta agab wax-akhris oo ku habboon iyo kaabeyaasha ku filan ee dugsiyada,sida  musqulaha, ayaa gacan ka geystay hoos u dhaca waxbarashada Iskuullada.

 

Leave a Reply