Seerbiya oo dadkeeda ka soo ururisay 13,500 qori oo ay ku jiraan gantaalaha Taangiyada

0
185

Maamulka Serbia ayaa todobaadkan soo bandhigay hub badan oo gaadhaya 13,500 oo qori oo kala nooc ah oo ay sheegeen in dadka laga soo ururiyey tan iyo toogashadii wadareed ee bishan ka dhacaday dalkaas, hubkaas waxa ku jiray bam-gacmeedyo, qoriyo, iyo gantaalada lidka taangiyada.

Maamulka ayaa ku dhawaaqay in muddo bil ah cafis loo fidiyey muwaadiniinta kaas oo lagaga codsanayey  in ay ku soo wareejiyaan hubka aan diiwaan gashaneyn ama ay muteysan doonaan xukun xabsi ah,taasi oo qeyb ka ah la dagaalanka qoryaha ka dib labadii toogasho ee ay ku dhinteen 17 qof oo qaar badan oo ka mid ahi ay caruur ahaayeen.

Madaxweynaha caanka ah ee Aleksandar Vucic ayaa Axadii ku weheliyay saraakiisha ugu saraysa booliiska goob lagu soo bandhigayey hubkan waxaanay ahayd meel u dhaw magaalada Smederevo oo qiyaastii 50 kiiloomitir (30 mayl) koonfur kaga beegan caasimada Belgrade.

Vucic waxa uu sheegay in ku dhawaad ​​kala badh hubka la ururiyay uu ahaa sharci-darro halka kala badhkii kalena ay ahaayeen hub diiwaangashan oo muwaadiniintu soo gacan geliyeen. Waxa uu intaasi ku daray in Hubka loo diro doono Warshaddaha Hubka iyo Rasaasta ee Seerbiya si ay u adeegsadaan ciidamada qalabka sida.

“Kadib 8-dii Juun, dalku wuxuu ka jawaabayaa talaabooyin culays leh, ciqaabtuna waxay noqon doontaa mid aad u adag,” ayuu yidhi . “xilligii cafiska ka dib. “Maxaa qofku u baahan yahay ma hub toos ah? Mise dhammaan in aan qoryaha iska dhigno?”, ayuu raaciyey.

Serbia ayaa lagu qiyaasaa in ay ka mid tahay wadamada ugu sareeya Yurub ee hubka qofkiiba haysto. Qaar badan oo hubkaas ah ayaa kaga hadhay dagaaladii 1990-meeyadii dadkuna si sharci darro ah u haysteen.

Tallaabooyinka kale ee ka-hortagga hubka waa in lagu daro xakamaynta adag ee mulkiilayaasha qoryaha iyo dhaqdhaqaaqa qoryaha ay iibiyaan.

Maamulka ayaa billaabay howlgalladan ka dib markii wiil 13-sano jir ah 3-dii May uu qaatay qorigii aabbihii oo uu rasaas ku furay arday ay wada dhiganayeen dugsi hoose oo ku yaalla badhtamaha Belgrade. Maalin kadibna, Wiil 20 jir ah ayaa u adeegsaday qori boobe ah kaas oo toos ah si aan kala sooc lahayn uu ugu toogtaydad joogay meel miyi ah oo koonfurta Belgrade ah.

Labadan toogasho oo ay ku dhinteen 17 qof, 21 kalena waa ay ku dhaawacmeen, taas oo ka yaabisay qaranka, isla markaana kicisay baaqyo ku aaddan isbeddellada dalkan oo soo maray tobannaan sano oo khilaafyo iyo qalalaase ah.

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay laba mudaaharaad oo ka dhacay Belgrade tan iyo markii ay toogashadu dhacday, waxayna dalbanayeen in wasiirrada xukuumadda ay is casilaan, lana mamnuuco telefishinnada dhiirrigelinaya waxyaabaha rabshadaha wata isla markaana martigeliya dembiilayaasha dagaalka iyo dadka dambiyada galay.

Vucic ayaa Axadii diiday baaqyada mucaaradka ee ahaa inuu iscasilo wasiirka arrimaha gudaha Bratislav Gasic, kaas oo sidoo kale goobjoog ka ahaa bandhigga hubka. Balse madaxweynaha ayaa soo jeediyay in laga yaabo in dowladdu is casisho, uuna ku dhawaaqi doono doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay isu soo bax uu qorsheeyay 26-ka May oo ka dhici doona Belgrade.

Leave a Reply