Tajikistan oo iibsatay diyaaradii madaxtooyada Mexico

0
136

 

Diyaarad nooca raaxada ah oo ay lahayd Madaxtooyada Mexico oo muddo afar sanadood ah iib loo doonaayey ayaa ugu danbayntii laga iibiyey Tajikistan.

Diyaaradan oo nooceedu yahay Boeing 787, laguna magacaabo Dreamline Madaxweynaha Mexico López Obrador ayaa iibinta diyaaraddan ka danbeeyey  waxaanay ahayd mid ka mid ah balamihiisii ​​ololaha, isaga oo ku tilmaamay inay calaamad u tahay xad-dhaafka kharashka ee dowladihii ka horeeyey.

Isku dayo lagu doonayay in lagu iibiyo ayaa fashilmay oo waxa la waayey cid iibsata. Xitaa waxa laysku deyey in Bakhtiyaa nasiib lagu iibiyo laakiin ciddi may soo dalban.

Ugu dambayntii waxa laga iibiyey dawladda Tajik oo ku iibsatay $92 milyan ama (£73.7m) oo ginni.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay California, halkaas oo lagu hayey, waxayna timid caasimadda Tajik ee Dushanbe, subaxnimadii Isniintii.

Diyaaradda ayaa markii hore la soo iibiyay sanadkii 2012-kii madaxweynihii xilligaasi Felipe Calderón ayaa soo iibiyey, waxaana lagu soo iibiyay $218m (£175m). Ka dib waxaa isticmaalay madaxweynihii ku xigay Mr Calderón, Enrique Peña Nieto.

Mr López Obrador ayaa wacad ku maray in aanu waligii cag dhigi doonin. Tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu isticmaalayay duulimaadyo ganacsi.

Si kastaba ha ahaatee, iibinta diyaaradda ayaa waxaa hadheeyay dhibaatooyin.

Diyaarada oo nooca lagu raaxaysto, waxay gudaha ku leedahay qolal ay ku jiraan qolka jiifka ee madaxtooyada Suuligii, xamaamkii . sidoo kale waxay qaadaa 80 rakaab ah oo lacag qaali ah ku raaca.

Waxa ay suuqa soo gashay 2dii Diseembar 2018, maalin kadib markii Mr López Obrador la dhaariyay.

Laakiin iyada oo ay rumowday riyadii madaxweynaha, qarashka badan ee lagu hayey iyo dayactirka diyaaradan Jet-ka ah ayaa xad-dhaaf ah,

Iyada oo kharashka dayactirku uu sii kordhayey sannadihii la soo dhaafay, helitaanka cid iibsata ayaa lagu farxay, waxaana culays ku ahayd madax weynaha inuu ka takhluso oo uu oofiyay ballan-qaadkiisii ​​ololaha, Madaxweyne López Obrador.

 

Dowladda Tajikistan si degdeg ah ugamay soo jawaabin faallooyin ku saabsan diyaaradda Isniintii.

Isticmaalka diyaaradan qaaliga ah ee noocan oo kale ah waa hubaal inay dhaleecayn u soo jiidi doonto Tajikistan. Dalkan oo ku yaalla badhtamaha Aasiya, waxa uu xuduud la wadaagaa Afgaanistaan, Shiinaha, Kyrgyzstan iyo Uzbekistan, waxa uu ka mid yahay dalalka saboolka ah ee gobolka, waxana uu inta badan ku tiirsan yahay dhaqaalaha xawaaladaha loogu soo diro, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

 

Leave a Reply