Xikmadaha

0
132
  • Waxaan bartay in hadal kooban oo idin dhexmara qof xikmad badan, ama dood yar ay u dhiganto bil cashareeda oo kale.
  • Waxaan ogaaday in aany muhiim ahayn “ maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqadan ka dib aad doonaysaa inaad gaadho”.
  • Waxaan bartay inay wanaagsan tahay inaad u socoto sida diinka laakiin aad dariiq sax hayso, halkii aad ka noqon lahayd Deero dheeraynaysa laakiin haysa dariiqa Khaldan.
  • Waxaan ogaaday in furaha guuldaradu tahay inaad isku deydeydo raali gelinta qof kasta.
  • Waxaan bartay in Camalka wanaagsani uu aad uga fiican yahay hadal wanaagsan oo kaliya.
  • Waxaan ogaaday inay badan yihiin dadka waanada helaa, laakiin inta ku dhaqantaa ay yar tahay.
  • Hubka ugu weyn ee qofku helaa waa sabirka iyo dulqaadka.
  • Geedka midhaha badan dadkoo dhan ayaa jecel, noqo mid dadku ku soo xoomaan.

Farqi weyn ayaa u dhexeeya tijaabada iyo quusta iyo niyad jabka

Leave a Reply