Xoghayaha Gobolka Saaxil oo Xilkii Ku Wareejiyay Isuduwaha Cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud

0
136

Berbera (Dawan) Xoghayaha gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan ayaa xilkii u kala wareejiyay isu’duwahihii hore ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyeynta Somaliland Mursal Cabdillaahi Ismaaciil iyo isu’duwaha cusub Foosiya Xasan Cali.

Isu’duwihii hore ayaa sheegay in ay maanta sharaf u tahay in uu wareejinayo wasaaradda dhammeystiran balse markii hore isaga la soo magacaabay aanu nasiib u helin in uu xilka lawareego, waxaanu xusay in wasaaraddaha jidadka iyo hawlaha guud isku jireen.

Sidoo kale isu’duwaha cusub ee wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta ee gobolka Saaxil, Foosiya Xasan Cali, ayaa balanqaaday in hawlaha Qaranka halkii masuulkii iyada ka horeeyay uu soogaadhsiiyay ay kasiiwadii doonto.

Gaba’gabadii xoghayaha gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan ayaa sheegay in sunaha dowladdnimada ay tahay in qofna tago, midna soo baddelo, waxaanu uga markhaati kacay isuduwihii hore in uu ahaa nin karti badan daacadna u ah hawlaha shaqo ee uu Qaranka masuulka uga ahaa, isla markaana uu ahaa qof shaqadiisa ka adag, sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay isuduwaha cusub ee loo soo igmaday inay Qaranka masuul uga noqoto wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta ee gobolka Saaxil

Leave a Reply