0
308

Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Maaliyadda Amb. Rooda Jaamac Cilmi ayaa maanta (shalay) tababar u furtay saraakiil ka kala socday Hayadaha Madaxa-Bannaan iyo Wakaaladaha Biyaha dalka, kuwaas oo lagu tababaray Buug-yaraha Hagaha Cashuuraha kharashaadka ku waajibay Wakaaladaha biyaha dalka iyo Hayadaha Madaxa Banaan.

Tababarkan oo loo qabtay Hayadaha Duulista iyo Madaarada, Baanka dhexe, Madbacada qaranka, Haamaha Kaydka Shidaal Berbera, Dekadda Berbera Iyo Wakaalada biyaha Hargeisa, Wajaale, Gabiley, Arabsiyo, Burco iyo Berbera.

Sidoo kale tababarkaa oo hal maalin socday ayaa waxa bixinayey aqoonyahano ka tirsan waaxda cashuuraha barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL, kuwaas oo sharaxaad dheeraad ah ka siiyey saraakiisha tababarka qaadanayey noocyada kala duwan ee cashuuraha gaar ahaan; Cashuurta Dakhliga Shaqada (Payroll Tax), Cashuurta Diiwangalinta gaar ahaan biilasha (Registration Tax), Cashuurta Iibka iyo Badeecadaha (GST), Cashuurta heshiisyada (Contract tax) iyo dhaqangalinta cashuurta Tigidhada (Stamp Tax).

Sidoo kale waxa isaguna madashaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Barriga Md Maxamed Ibraahin Batuun, kaas oo tafaasiil ka bixiyey mihiimada tababarkaasi u leeyahay Hayadaha kala duwan ee dawladda.

 

 

 

 

Leave a Reply