Agaasimahii Guud ee cusub Baanka Dhexe oo xilkii kala wareegay Agaasimahii Guud ee la bedelay

0
87

Hargeysa (Dawan)- Agaasimahii Guud ee cusub Baanka Dhexe Mr. Maxamed Qaasim Xuseen ayaa shalay xilkii kala wareegay Agaasimahii Guud ee la bedelay Md. Mukhtaar Cabdi Quule.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay kana soo qeybgaleen Gudoomiyaha Baanka dhexe, Gudoomiye-xigeenka, masuuliyiinta Baanka dhexe, shaqaalaha iyo matisharaf kale oo lagu qabtay xarunta Baanka ayaa agaasimahii guud ee Hore Mukhtaar Cabdi oo hadal ka jeediyey ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka hayey, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa,

“Markii xilka naloo magacaabay waxaanu bilownay uruurinta xogo iyo macluumaad noo noqda miqyaas sugan oo sheegaya marxalada Baanka dhexe taagan yahay.

Agaasimaha Guud ee Cusub ee Baanka Dhexe Md. Maxamed Qaasim oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay ayaa ka warbixiyey qorshayaasha uu kaga hawlgeli doono masuuliyada loo magacaabay.

Masuuliyiin ka socday hay’adaha dhaqaalaha, baananka gaarka loo leeyahay iyo martisharaf munaasibada ka hadlay ayaa dhamaantood u mahadceliyey Agaasimahii Guud ee hore, soona dhoweeyey agaasimaha Guud ee cusub, isla markaana ballanqaaday inay la shaqeyn doonaan.

Agaasimaha Komiishanka Maamul-wanaaga Marwo Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan oo munaasibada hadal ka jeedisay ayaa uuga mahadcelisay agaasimahii guud ee Hore shaqadii uu soo qabtay, agaasimaha Guud ee cusub-na u rajeysay inuu hawsha halka ka sii wado.

Gudoomiye-xigeenka Baanka dhexe Md. Cabdiraxmaan Sh Ismaaciil oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in agaasimaha Guud ee cusub qalbi furan ku soo dhoweynayaan.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Md. Cali Cabdillahi Daahir oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in agaasimahii guud ee Hore mudadii uu la shaqeynayey dedaal badan muujiyey, waxaanu agaasimaha guud ee cusub ku soo dhoweeyey masuuliyadda cusub.

 

 

Leave a Reply