Hooyo iyo Carruurteeda oo Kirada Guryuhu Hoy La’aan ka Dhigeen

0
132

Hargeysa (Dawan) Qoyska Khadra Cilmi Ibraahim oo ku nool xaafada Dhagax-barkato ee magaalada Hargeysa, waxa ay ka mid tahay qoysaska hoy la’aanta ay kirada qaali garowday ka dhigtay.

Haweeneydan iyada iyo carruurteeda oo afar ah tan iyo mudadii laga soo saaray gurigii ay deganayd waa dibed meer.

Hooyadan ayaa la daalaadhacaysa inay carruurteeda u hesho cunno iyo guri ay ka galaan dhibcaha roobka.

Waxaa u dheer inay u taag la’dahay maaraynta nolosha qoyskeeda oo markii hore ku tiirsanayd iibinta Muuska, balse waxaanay xustay in ay garabka ka jaban tahay birana kaga jiraan, isla markaana maalin maalmaha ka mida oo ay kuftay isla markaana birtii garabkaga kaga jirtay iyo garabkii kala boodeen, Dhakhtar Ismaaciil oo kaabayna ayaa ku wargeliyay in aanay jirin wax ay qaban karta, sidaasna ay ku joogsatay shaqadii ay qabanaysay.

Hooyo Khadra ayaa warbaahinta u sheegtay in seyga carruurteeda dhalay ilaa hadda meel uu jaan iyo cidhib-dhigey aan lahayn.

Hooyadan oo murugo badan iyo quus ay ka muuqato waxa ay warbaahinta u sheegtay in gurigii ay deganayd laga soo saaray, kadib markii lag yeeshay 6 bilood kiradii guriga, waxaanay xustay in dibedda loo soo tuuray, isla markaana markiiba qoyskale laga kireeyay gurigii.

Hooyo Khadra iyada oo welwel xoogan ka muuqdo, quusna nolosha ka muujisay waxay sheegtay in meel ay carruurteeda ula hoyato aanay haysan.

Hooyadani waxa ay rajjo xumo ka muujisay mustaqbalka carruurteeda, waxaaney tilmaantay in aanu jirin wax ALLE xaggiisa ku maqan mooyane waxay caawa u haysa.

Khadra Cilmi Ibraahim iyo carruurteeda oo 4 ahi waxay u hoydaan meel bannaan, kadib markii lacagtii kirada looga soo saaray gurigiii ay deganeyd.

Haweeneydan waxay haysataa carruur yaryar oo aan u adkaysan karin dhaxanta iyo dhibcaha roobka, culeyska hoy la’aanta ka haystana waxaa u weheliya warwarka gaajada carruurteeda.

Waxaaney tidhi.“Xaafada Dhagax-barkato ayaan daganaa, guri Jiingada ayaan ku jiray, kiradii markii lagu igu yeeshay dibada ayaa la ii soo tuuray, gurigii reerba laga kireeyay, caawa meel aan u hoyda majiro, Kitaab ayaan ku maraya oo haddii ku dhaaro la iyidhaahdo waan ku dhaaranayaa, wax ALLAALE wax aan haysta majiro, wax aansiya ma jiro”

Hooyadani waxa ay rajjon xumo ka muujisay mustaqbalka carruurteeda, waxaaney tilmaantay in aanu jirin wax ALLE xaggiisa ku maqan mooyane waxay caawa u haysa.

Waxaaney tidhi.“Mustaqbalbay leeyihiin, caawa meel aan ula hoydo mahayo, waxaan bulshada Soomaaliyeed ee diirka naxaa kuyaalo aan ka codsanayaa, ee ganacsade leh, ee wax wax haysta leh, inay ILLAAHEY dartii igu soo gurmadaan oo ii kaalmeeyaan ayaan ka codsanayaa”

Hooyadani waxay sheegtay in ilaa hadda meel ay kaga waranta aanu jirin Aabihi ubadkan dhalay.

Waxaaney tidhi.“Ninkii carruurta dhalay Itoobiya markii uu sii socday ayaa igu danbaysay, lanbarkuna lama helikaro ayuu yidhi, ‘hadda sannadba laga jooga, wax idhaamana mahayo, haddii ay tol tahay, haddii ay ehel tahay intaba, qadarta ALLE ayaa wax walba ka weyn,”

Hooyo Khadra Cilmi Ibraahim waxa ay sigaara fariin ugu dirtay madaxda dalka oo uu ugu horeeyo madaxweynuhu.

Waxaaney tidhi.“Madaxweynaha, maayirka caasimada waxaan ka codsanaya inay arrintayda soo farageliyaan, cidkasta waxaan ka codsanaya wixii ay igu tari karaan ee ay idhaamaan in ay igu kaalmeeyaan,”

Boqolaal qoys oo ka mida bulshada Danyarta ah ee kiradu hoy la’aanta ka dhigeen ayaa wajahaya hoy la’aan baahsan.

Qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalooyinka waa weyn ee Somaliland ayaa la kacaa-kufayay helidda cunnada, hoy la’aanta ay badeen kirada iyo dhaqaale la’aanta, ayaa ku sii kordhinaysa culeysyada nololeed ee ku hareeraysan.

Fadlan kala xidhiidh 0633863553

 

 

Leave a Reply