“Dooddii Dhexmartay Maalqabeenka iyo Faqiirka” Cali Cabdi Coomay

0
206

Meel ka mid ah makhaayadaha lagu shaaheeyo, ayaa waxa ku kulma dad kala duwan dhinaca dabaqadda nolosha. Kuwa dhaqaalahoodu fiican yahay ayaa qaar ka mid ahi ay soo dhexgalaan goobta ay fadhiyaan dadka noloshoodu ay hoosayso dhaqaale ahaan. Wuxuu kaftan iyo sheeko iyo dooddi ay marmar dhexmartaa dadkaasi kala dabaqadda ah nolol ahaan. Kuwan dhaqaalahoodu fiican yahay intooda badani ma fadhiistaan goobaha ay joogaan kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo, malahayga way iskala weyn yihiin.

= Dooddii ugu xiisaha badnayn dhawaan ayey ka dhexqaraxday nin taajir ah iyo nin faqiir ah. Dooddu kolba meel ayey maraysay, hasayeeshee intii ugu mihiimsanayd ayaa ahayd, markii la soo gaadhay labadeenna qof aynu is-qiimeyno keenna haysta farxad, caafimaad iyo hurdo ficiin. Kii faqiirka ahaa ayaa hadalkii qaatay, oo yidhi” hudheelka aynu ku nidhaahno noo keen qayb kasta inta cunto ee aad hayso, si aynu labadeennu intaasi u cunno.” Kii taajirka ahaa ayaa yidhi “anigu taasi ma sameyn karo in badan cuntooyinkaasi waxa iga mamnuucay dhakhtarkaygii.”

Kii faqiirka ahaa ayaa halkaasi kaga badiyey. Haddana waxa loo yimid hurdadii, kii faqiirka ahaa ayaa yidhi” bannaankaasi hudheelka hortiisa aynu wada seexano, si loo ogaado keenna ku gam’a oo hurdo wanaagsan seexda?” kii taajirka ayaa taasina ku dhacay oo yidhi” meel aan furaash iyo AC lahayn kuma gam’ayo.” Farxaddii waxa lagu qiimeeyey inta jeer ee uu faqiirka qoslo marka la sheekaysanayo, hasayeeshee aanu taajirku qoslinba, oo uu inta badan la kacayo tilifoonka oo uu hadal iyo dood ku dhammaysto fadhigiisa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

 

 

Leave a Reply