Somaliland Oo Laga Hirgeliyay Wershad Geedka Garan-waaga Dhuxul Ka Samaynaysa

0
330

Jarista dhirta, iyo Dhuxulaysiga ayaa faro baas ku hayay dhirtii Somaliland sodonkii sanadood ee u danbeeyay. Iyadoo na la xaalufiyay dhirtii qiimaha lahayd, ee dhulkeenna ka bixi jirtay.

Dhibaatadaasi darran ee soo waajahday dhirta waxay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL ay dedaal badan ku bixisay sidii wax looga qaban lahaa.

Dhuxulaysiga lagu gumaaday dhirtii dalka waxa uu dhulkeenii dhaxalsiiyay in ay halkoodii bedeleen dhir aan qiimo lahayn.
Dhirtaasi waxaa ka mid geedka loo yaqaanno Garan-waaga, oo inta badan dhulkii qabsaday, kaasoo inagaga yimid wadamo shisheeye, isla markaana wax manaafacaad ah oo uu leeyahay aanay jirin.

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa Wershad geedka Garan-waaga, ka soo saaraysa Dhuxul, calafka xoolaha, iyo xataa cunto ay dadku quudan karaan.

Waxaana wershadaasi ay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbeselka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa xadhiga ka jartay 24-kii bishan May,  wershadaasi geedka Garan-waaga Dhuxul ka samaynaysa oo laga hirgeliyay magaaladda Hargaysa.

Wershadan geedka Garan-waaga Dhuxusha, iyo waxyaabaha kale ka samaynaysa waxaa hirgeliyay muwaadin reer Somaliland ah oo qurbaha ka yimid.

Waxaanay wershadani Garan-waaga, u bedelaysaa waxyaabo fara badan oo ay ka mid yihiin Dhuxusha, Calafka Xoolaha, iyo Cunto ay dadku quudan karaan.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarka wershadaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, saraakiil ka kala socday haayadaha UNDP, WHH, Premier Bank, haayaha iyo ururadda maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Deegaanka Somaliland Shukru Baandare, oo wershadan si rasmiya xadhiga uga jartay ayaa ka warantay sida loogu baahnaa in laga faa’iidaysto geedka Garan-waaga, iyo muhiimadda ay siinayaan wasaarad ahaan wershadan uu hirgeliyay muwaadinkani.

“Anaga ka wasaarad ahaan waa maalin nagu weyn. Geedkii Gara-waaga, waxay wershadani ka samaysay Dhuxul, Calafkii Xoolaha, iyo Cunto ay dadki quudanayaan. Aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa wershadan uu hirgeliyay muwaadinkani.

“Maanta (24-kii May), runtii waa maalin ku weyn wasaaradda Deegaanka. Waxaana halkan ina la jooga Guuleed, oo aasaasay wershadan Garan-waaga, Dhuxusha ka samaynaysa. Waxaanu xaqiijiyay riyadiisii ahayd, inuu Dhuxul ka soo saarro geedkan aynu u bixinay Garan-waaga. Haddii markii hore aynu garan waynay Garan-waag, imika waynu barangay faa’iidadiisa iyo waxa uu yahay.

Wershadani waxay soo saaraysaa Calafkii Xoolaha, waxa kaloo uu ka sameeyay Loxoox, iyo Keeg. Garan-waaga, isagii oo jaban, isagoo dalka laga helayo, isagoo nadiif ah, isagoo aan Qiiq lahay, waa Dhuxushii intaas oo dhami, ayaa gurigaaga laguugu keenayaa” ayay tidhi Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Guuleed Axmed Cabdi, aasaasaha wershadan Garan-waaga Dhuxusha u bedelaysa ayaa ka waramay waxyaabihii ku dhaliyay inuu hal-abuurka wershadan la yimaado, iyo waxyaabaha faa’iidadda leh ee ay soo kordhisay wershadani.

Waxaanu sheegay Guuleed Axmed Cabdi, kadib markii uu arkay dhibaatadda uu geedka Garan-waagu leeyahay inuu go’aansaday sidii looga manaafacaadsan lahaa geedkaasi. Wuxuu ka waramay waxyaabaha ku dhaliyay inuu wershadan aasaaso,

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dhulkeena 90% geedihii waa la jaray. Dhirteenii waxaa ka hadhaya Garan-waa. Geedka Garan-waaga, waan jarnaa, kadib na Dhuxul baan ka samaynaa.

Dalkeenii waad aragteen, 90% geedihii caadiga ahaa waa la dhameeyay, oo waa la jaray, Dhuxul ayaana loo isticmaalay. Maanta dalkeenii waxaa ka hadhay Garan-waa. Lix sanadood ka hor ayaan ku fikiray wershadani, mrkaanu aragnay in aanay dhirteenii wax b aka hadhin.  Mishiin cusub baan keenay, oo Ameerika laga isticmaalo, Kenya, na waa laga isticmaalaa. Laakiin, wadamadda kale inaga ayaa u horayna.

Geedka Garan-waaga, xaafadda Badda Cas, iyo dooxa Hargaysa, Dhuxul ayaanu ka samaynaa. Qiimaha Jawaanka Dhuxusha Garan-waaga laga sameeyay waa 110,000 oo shillin Somaliland ah, guriga ayaana laguugu keenayaa. Garan-waagii, maanta wax buu tarayaa, oo imika ayaa looga guurayaa Gaasta wax lagu karsado. Muhiimadayadu waa in geedaha kale la daayo, oo Garan-waaga la isticmaallo.

Haddii aynaan jarin geedka Garan-waaga, sanad ba sanadka ka danbeeya kala badh dhulka Somaliland wuu qaadanayaa. Maalin walba wuu soo korayaa, beerihii wuu qabsaday dadkii Miyiga, xoolihii baa ku dhibtooday, xoolihii na wax kaloo ay cunaan ma hayaan, oo geedihii kale waa la dhameeyay. Garan-waagu, wuxuu dhibaato weyn ku yahay deegaanka”.

Samiirra Xasan Axmed, madax haayadda UNDP ee Somaliland “Waxaan aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa Guuleed, iyo kooxda la shaqaysay, sida ay u dedaaleen. Guuleed, la’aantii wershadani may hirgasheen, dedaalka isagaa keenay, fikirka isagaa keenay, sabirka isagaa keenay”.

Mr. Tomas, oo ka socday haayadda WHH  “Geedka Garan-waagu, keliya maaha khatar, ama dhibaato weyn leh, laakiin, sidoo kale waa mid faa’iido badan leh. Waxaana looga faa’iidaysan karaa as a source of energy, as a source of animal feed, and also as a human food”.

Xuseen Xasan Xuseen, oo ku hadlayay magaca Premier Bank, “Premier Bank ahaan waxaa oo farxad ah in aanu ka soo qayb galno, xadhig ka jarka wershadan soo saaraysa Dhuxusha, oo ah tii ugu horaysay ee nooceedda ah oo dalkeena laga hirgeliyo. Iyadoo weli ba ay gaar u tahay in ay Dhuxul ka samayso geedka Garan-waaga, oo ay dadku in badan ka cabanayeen, oo xal loo la’aa.

Premier Bank ahaan, Guuleed oo ah aasaasaha wershadani, waxaanu ka caawinay maal-gelin ayaanu siinay”.
Geesta kale wershadan ayaa noqonaysa tii u horaysa oo nooceeda ah oo dalka laga hirgeliyo, iyadoo na la filayo in ay wax badan ku soo kordhin doonto wadanka.

Geedka Garan-waaga ayaa dhibaato ku noqday dhulka ama deegaanka labaatankii sanadood ee u danbeeyay, kaasoo aanay jirin haba yaraatee wax faa’iido ah oo uu u lahaa dadka, deegaanka, iyo duunyadaba.

Maxamed Kayd Halac, guddoomiyaha ururka Moofooyinka isticmaalla Xaabadda, oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shaqadda cusub ee ay bilawday wershadani. Waxaanu sheegay in haddii ay yihiin Moofooyinka isticmaalla Xaabadda, in ay u wareegi doonaan Xaabadda geedka Garan-waaga.

“Haddii aanu nahay Moofooyinka, ….. waxaa jira Moofooyin naga sii hooseeya,….. cuntooyinka aynu cuno, wax biyo ayay ku bislaadaan, ama Solar ha lagu bisleeyo, ama Koronto, wax na Xaabo ayay ku bislaadaan. Shirkii aanu wada galnay, waanu isla waafaqnay sidaa ay wasiirku sheegtay, in la isticmaallo Xaabadda Garan-waaga, imika na waanu u guuraynaa ba”.

Leave a Reply