𝗞𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮𝗴𝗮𝗴𝗮 A𝗿𝗿𝗶𝗻𝘀𝗮𝗻𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮𝘆 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 S𝗵𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 D𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗵𝗲𝗹𝗶𝗹𝗮𝗵𝗮𝗮 𝗖𝗮𝘆𝗺𝗶𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗾𝗮𝗯𝘁𝗮𝘆 H𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 S𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮.

0
208

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Caymiska Qaranka, kuna wehelinayeen agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha iyo agaasimaha Machadka tababarka shaqaalaha dowladda iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda shaqaalaha Dawladda.

Shirkan ayaa lagaga hadlayay sidii shaqaalaha dowladda loogu heli lahaa Caymis jaban iyo adeegyo Caafimaad oo qiimahoodu hooseeyo dalka oo dhan.

Madaxda shirkan ka qayb gashay ayaa halkaa ku lafaguray samaynta nidaam ku habboon oo shaqaalaha dawladda iyo eheladooduba ay ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo jaban iyo caymis.

Hawshan ayaa waxa si wada jir ah uga wada shaqayn doona hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo hay’adda Caymiska Qaranka, iyaga oo isla qaatay in la dejiyo istiraatiiyaddii hawshaas lagu hirgelin lahaa mustaqbalka dhow, isla markaana la joogteeyo shirarka noocan ah si dhamaystirka hawshani u noqdo mid taabbo qaada.

 

Leave a Reply