๐——๐—ฒ๐—ฟ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ W๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ H๐—ฎ๐˜†’๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ B๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป

0
181

Hargeysa(Dawan):- Komishanka Maamul Wanaaga oo sii wada Hawlgalladiisii Qiimeynta iyo Dersida Nidaamka Maamul Wanaagga ee Hayโ€™ddaha Dawladda ayaa shalay kulan la yeeshay Maareeyaha Hayโ€™adda Duulista iyo Madaaradda Mudane Cumar Cabdilaahi Aadan iyo ku xigeenka Hayโ€™ddaasi Mudane Sharmaarke Ismaaciil.

Kulankan ayaa ibo fur u ahaa kormeer iyo Baadhis Komishanka Maamul Wanaaggu ku dersayo hannaanka shaqo iyo adeeg bixineed ee Haayโ€™adda Duulista iyo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wannaaga JSL Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa ka hadlay ujeeddada qiimeynta iyo daraaseynta ugu samaynayaan Hay’addaha iyo Wasaaraddaha Dawladda, waxaanu sheegay in baadhistan iyo qiimeyntani ay tahay mid dhinaca maamul-wannaagga ah oo Komishan ahaan ay ku doonayaan in ay ku qiimeeyaan hannaanka shaqo, maamul iyo adeeg bixineed ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu xusay in qiimeyntani ay qayb ka tahay waajibaadka shaqo ee uu qaranka u hayo Komishanka Maamul-wannaagu, sida uu qeexayo qodobka 6-aad farqadiisa 2-aad ee Xeer Lr 58/2012 ee uu ku aasaasanyahay Komishanku.

Ugu danbayn Maareeyaha Hayโ€™adda Duulista iyo Madaaradda iyo Maareeye Ku Xigeenka Hayโ€™addaasi ayaa halkaasi ka sheegay inay soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin in la helo Maamul Wanaag iyo nidaam toosan wixii ka soo baxa ee talo iyo toosinba ahna baadhista iyo qiimaynta uu wado komishanku ay hirgalin doonaan.

 

Leave a Reply