44 ka mida dhalinyaradii loo xidhay Mudaharaadkii Boorama oo la sii daayay.

0
343

Boorama(Dawan)44  ka mid ah dhalinyaradii loo xidhay  Mudaharaadkii  ka dhacay  Magaalada Boorama  8 bishan  May ayaa shalay laga sii daayay saldhiga dhexe  Magaaladaas.

Taliyaha qaybta  booliska Gobolka  Awdal Gaashaanle Sarre Cabdikhayre Dugsiiye  oo ka hadlay sii daynta  dhalinyaradan ayaa waxa uu sheegay in dad dibaha  joogaa ku lug lahaayeen  Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Boorama.Waxaana uu yidhi”Sida aad ka warqabteen  labo toddobaad ka hor  Rabshadihii Magaalada Boorama  ka dhacay,markaanu baadhis  ku  samaysanay waxay la haayeen wajiyo  kala  duwan.waxaana sabab u ahaa kacdoonka qolo  dibadaha jooga ayaa  qaybta ugu badan  sameeyay.intoodii  badnayd  waa xidhan  yihiin 66 kii  qof  ee xidhnaa waxa  xoriyadoodii loo soo celiyay 44 qof,”.

Guddoomiyaha  Gobalka Awdal  Maxamed Axmed  Caalin Tiimbaro  ayaa waxa uu sheegay in dadka kale ee loo hayo Raabshadihii ka dhacay Boorama la horgayn  doono Maxkamadda.Waxaana uu yidhi”Maahmaah ayaa  tidhaahda  Dab munaafaq shiday ayaa muumin ku gubtaa,way  dhacaysaa  marka  ay  wax  dhacaan  dad  badan oo aan shaqo ku lahan in la xidho.waxa aad raali ku ahaanaysaan waalaydin  hubinayay  xoriyadiina dib ayaa u hesheen,hadaad odhan lahaydeen  Magaalada buuqan nooga  daaya arinta  halkaa inaguma  soo gaadheen.cida  la  hayana Maxkamad ayaa la horgaynayaa,”.

Sidoo  kale Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame  ayaa waxa uu tilmaamay in uu soo dhawaynayo  in xoriyadoodii loo soo celiyo  44 ka mida dhalinyaradii  loo xidhay Rabshadihii ka dhacay  Magaalada  Boorama.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply