Doorashada soo Horeynaysa ku Dhiirada Sheegisteeda.” Guddoomiyaha Urursiyaasadeedka Kaah

0
318

Boorama-(Dawan):- Gudoomiyaha ururka Kaah, Mudane. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ugu baaqay komishanka doorashooyinka inay ku dhiiradaan shaacinta doorashada soo horreynaysa.

Gud Maxamuud oo ka hadlayey xafladii lagu daahfuray wejiga koowaad ee kaadh-qeybinta ayaa sheegay in marka bisha kaadh-qeybintu dhamaato qorshe doorasho laga sugayo, waxaanu yidhi,

“Marka bisha kaadh-qeybintu dhamaato, qorshe doorasho ayaa la idinka eegayaa.”

Md. Xaashi ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii dalku uga bixi lahaa muhmalka, waxaanu yidhi,

“Doorashada la qabanayo iyo xilliga la qabanayo idinka ayaa la idinka doonayaa.”

Wuxuu sheegay inay hannaan kala duwan isticmaali karaan, isla markaana go’aan laga sugayo, waxaanu yidhi,

“Ama Daneenayaasha isu-jiida, ama idinku dhiirada oo go’aan geesinimo leh qaata, arrinta ayaa la idiinak sugayaa.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply