Shir Ku Saabsan Doorka Madax-dhaqameedka ee Nabad Waarta oo Burco lagu soo Gebagabeeyay

0
154

Burco (Dawa): Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shalay magaaladda Burco shir ugu soo xidhay madax dhaqameedka gobolka Togdheer.

 

Shirkaas oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa la xidhiidhay doorka Madax-Dhaqameedka ee horumarinta Nabad Waarta.

 

Xidhitaanka shirkaa dhaqameedka magaalada Burco, waxaa wasiirka Arrimaha Gudaha ku wehelinayey guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahim (Nafaqo), iyo Agaasimaha Waaxda Siyaasadda, Dhaqanka iyo Dhismaha Nabadda, ee wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Waxaana qaban qaabadda, iyo agaasinka shirkaas iska kaashaday wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo hay’adda Interterpeace.

 

 

Shirka ayaa mudadii uu socday waxaa lagu falan qeeyay 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗺𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗵𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗯𝗮𝗱d𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗿𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝗮l𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗵𝗶𝗹𝗮𝗳𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮.

 

Kaas 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆𝗲𝗲𝗻 salaadiinta, 𝗖𝘂𝗾𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮, waxgaradka, 𝗶𝘆𝗼 𝗢𝗱𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 g𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗧𝗼𝗴𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿.

 

Waxyaabihii shirka lagu falan qeeyay waxaa ka mid ahaa xallinta khilaafaadka, ka hor tagga khilaafaadka, adkaynta nabad-gelyadda waarta, daawaynta xanuunadda muuqda, iyo kuwa aan muuqan ee ka hor tagga u baahan.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland  Maxamed Kaahin, oo xidhitaankii kulankaas hadal ka jeediyay ayaa ka waramay qiimaha ay nabad-gelyadu leedahay, iyo kaalinta ay madax dhaqameedku ka qaadan karaan horumarka nabad-gelyo waarta.

 

 

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in madax dhaqameedku ay doorka ugu weyn ku leeyihiin deminta khilaafaadka beelaha, iyo xallinta wixii colaad ah ee yimaadda.

 

“Waxa keliya ee aynu arrinkan bulshadeena kaga saari karnaa waa in aynu horumarkeena, iyo nabad-gelyadeena ka shaqayno. Nabad-gelyadda ayaana mid walba fure u ah. In hore loo maro waxay ku xidhan tahay, waa in ay nabad-gelyo jirtaa” ayuu yidhi wasiirka Daakhiliga Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahim (Nafaqo), ayaa isna tilmaamay maamul gobol ahaan, iyo cuqaasha gobolkuba in ay bulshadda u qaabilsan yihiin illaalinta, iyo adkaynta nabad-gelyadda.

 

Waxaanu yidhi, “Nabad-gelyadu waa nimcooyinka ILLAAHAY SWT bixiyo, kuwa ugu waaweyn. Waxa aan qaabilsan nahay ee aan ka shaqaynaana waa nabad-gelyadda. Haddii aanu nahay maamulka gobolka, iyo wasaarada ba, haddii aan nahay cuqaasha gobolka, waxa aan bulshadda u qaabilsan nahay waa nabad-gelyadda iyo ka shaqaynteedda, iyo adkaynteedda”.

 

 

 

 

Geesta kale caali Baashe, oo ka mid ahaa cuqaashii shirkaasi ka qayb galay ayaa ka dareen celiyay duruustii, iyo caaharadii ay aqoon yahanku ku siiyeen tababarkaasi.

 

Waxaanu sheegay in waxyaabihii ay shirkaasi ku barteen in ay dib ugu celin doonaan bulshadda ay metelaan, isagoo na caaqilku wasaaradda Arrimaha Gudaha uga mahad celiyay kulankan ay u qabatay.

“Aad baanu u soo dhawaynaynaa saddexda maalmood ee xalinta khilaafaadka la na gu siinayay tababarka. Aad iyo aad baanay wax noogu kordhisay, duruus badan ayaanu ku qaadanay, waanan ku shaqayn doonaa insha Allaah.

 

Waxaanan balan qaadaynaa haddii aanu nahay cuqaashii gobolka, in aanu la shaqayno wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo badhasaabka gobolka Togdheer”.

 

 

Dhinaca kale shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah, iyadoo na shir kan la mid ahaa hore loogu qabtay magaaladda Ceerigaabo, ee xarunta gobolka Sanaag.

 

Leave a Reply