Komishanka Doorashooyinka oo Maanta Bilaabaya Kaadh Qaybinta kana Hadlay Qabsoomidda Doorashooyinka

0
129

Bisha June ka dib doorashooyinka ha loo diyaargaroobo- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka.”

Boorama-(Dawan):- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ,ayaa manta saddex gobo loo dalka ka mid ah ka bilaabaya qaybinta kaadhka codbixiyaha isla  markaana ka hadlay  qabsoomidda doorashooyinka dalka ku soo fool leh oo ay sheegeen in loo diyaar garoobo doorashooyinka marka shaqada kaadh qaybinta ay dhameeyaan gudida doorashooyinkuna ay tahay in shaqada keliya ee u taalla ay tahay in ay doorashooyinka dalka ka qabtaan.

 

Afhayeenka Komishanka Doorashootinka Qaranka Cabdicasiis Xirsi Warsame  ayaa shaaca ka qaaday in bisha Juune dabadeed loo diyaargaroobo doorashooyinka.

Afhayeenka komiishanka oo khudbad ka jeediyey xafladda furitaanka kaadh-qaadashada gobolka Awdal ayaa ugu baaqay dadka kaadhadhka qaadanaya inay ilaashadaan.

“Waa inaanu qofku kaadhkiisa ku waayin khalad komiishanku sameeyey, laakiin khalad qofku galay.

Afhayeenka komishanka Mudane. Cabdicasiis ayaa sheegay in doorasho la qaban doono, qofwalba u diyaargaroobo, waxaanu yidhi,

“Doorasho waa la qabanayaa, loo baqan maayo. marka bisha June kaadh-qeybintu dhamaato, hawlwalba oo komishanku qabanayo waa doorasho.”

Wuxuu ugu baaqay ururada, xisbiyada, xukuumada, shacabka ama daneeyeyaasha kale inay suunka dhexda u adkaystaan, waxaanu yidhi,

“Komiishanku doorasho ayuu qabanayaa haka werwerina.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Mudane. Muuse Xasan Yuusuf oo ka hadlayey tirada kaadhakdhka ay qeybinayaan ayaa sheegay inay gaadhayaan saddex boqol iyo todoba iyo sideetan kun oo qof.

Md. Muuse ayaa sheegay in tirada dadka is-diiwaangeliyey iyo dadka ama goobtii codeynta bedeshay ama kaadhkii hore ka lumay waa saddex boqol todoba iyo sideetan kun, lix boqol iyo afar iyo todobaatan qof.

“Kaadhadhka oo gobolaysan oo degmaysan ayaa la qeybinayaa, wa inaynu dhamaanteen ka wada qeybqaadano sidii kaadhadhkaasi aanay dib ugu soo noqon komishanka.”

Sidoo kale hawlwadeenadii qeybinta kaadhadhka ee gobolada Awdal Saaxil iyo Sanaag ayaa loo kala diray goobahii ay ka hawlgeli lahaayeen wejiga koowaad ee mudadda kaadh qeybintu socoto.

 

 

Leave a Reply