Namibia oo Geesaha ka jaraysa 600 wiyil ah

0
246

Tan iyo bilowgii sanadka, ugu yaraan ilaa lix wiyil ayaa lagu ugaadhsaday Beerta Qaranka Etosha, oo ah hoyga ugu badan ee wiyisha madow ee adduunka. Todobaadkii hore ayay ahayd markii Wasaaradda Deegaanka,Dhirta iyo Dalxiiska ay bilawday Ololaha xayndaabka sanadlaha ah,iyada oo ujeedadeedu tahay in 12 bilood ee soo socda geesaha laga jaro ilaa 600 oo wiyil.

Dhacdooyinka sii kordhaya ee ugaadhsiga – kuwaas oo dhawaan horseeday in la xidho dhowr qof – ayaa ku kalifay mas’uuliyiinta Namibia inay bilaabaan habab isku dhafan oo looga hortagayo kuwa doonaya inay u ugaadhsadaan beegsiga wiyisha madow gaar ahaan noocyada halista ku jira ayaa inta badan la bartilmaameedsadaa geesahooda. Wiyishan ayaa Geeseheeda la bar tilmaameedsadaa sababta oo ah qiime weyn ayey ka taagan yihiin suuqyada Aasiya waxaana loo isticmaala qurxinta iyo arrio daawada la xidhiidha.

Wasiirka deegaanka iyo dalxiiska Pohamba Shifeta oo hadal ka jeediyay munaasabadii lagu daah furayay ololahan sanadlaha ah ayaa sheegay in wiyisha laga saarayo geesaha ay hoos u dhigayso in ugaadhsadayaasha ay beegsadaan.

“Waxaan rabnaa inaan ka fogeyno badidooda si ay u badbaadaan, iyo sidoo kale sababta oo ah mararka qaarkood way is dilaan inta badana dhimasho ayey isu geystaan, markay dagaalka galaan aad bay u xun yihiin ayey tidhi Shifeta.

Guddiga  badbaadinta Wiyisha  oo ah koox ka kooban milateri, booliis, waardiyaal iyo saraakiil sirdoon ah ayaa sheegay in kasta oo ay hawl qabtaan haddana ugaadhsatadu ay weli khatar ku ah dadaallada ilaalinta ee dalka.Taliyaha bilayska ee gobolka Namibia Naftal Lungameni Sakaria ayaa sidaa u sheegay VOA.

“Beerta Qaranka Etosha waa seeraha ay ku jirto wiyisha madow ee adduunka ugu badan, markaa waad fahmi kartaa in tani ay aad muhiimad u leedahay dalka,” ayuu yidhi taliyuhu. “Dalxiiseyaashu meel kasta way ka yimaadaan, waxaana soo jiitay fursada ah inay arki doonaan wiyisha. Wayna arki doonaan. Waa muhiim, muhiimad istiraatijiyadeed ayay dalka u leedahay.”

Dad kale ayaa aad uga hor jeeda nidaamka ah in geesaha laga gooyo, waxaanay qabaan in aan geesaha laga goyn balse la ilaaliyo.

Dr. Conrad Brain, oo ah dhakhtarka xoolaha, ayaa sheegay in Gees goyntu laga yaabo in ay yarayso ugaadhsiga, laakiin habkaasi wuxuu saamayn ku yeelanayaa in Wiyishu Duurka ku noolaato oo ay Ilmeheeda difaacdo.

“Waxaa jiray mashruuc weyn oo ay wadaan Namibia iyo jaamacad Maraykan ah halkaas oo ay ku eegeen saamaynta xun ee geeso la’aantu ku keenaso wiyisha, hooyady awood uma yeelan doonto inay carruurtooda ka ilaaliyaan ugaadhsiga xayawaanada kale sababta oo ah ma haystaan ​​geeso,” ayuu yidhi Brain.

Barnaamijkan ka-hortagga oo soo socday ilaa 2014. Midkan hadda ayaa lagu wadaa in lagu beegsanayo 600 wiyil.

Geesaha la kaydiyey ayaa laga qaaday DNA, waqxaana lagu kaydiyay kaydka qaranka. Namibia waxay haysaa xadi badan ama tan oo geeso wiyisha ah, laakiin wasaaraddu ma shaacin doonto qiimaha kaydkan, iyada oo loo cuskanayo arrimo amni.

Sida uu dhigayo heshiiska ganacsiga caalamiga ah ee noocyada dabar goynaya (CITES), ka ganacsiga geesaha wiyisha waa mamnuuc aduunka oo dhan. Shirkii CITES ee sannadkii hore ka dhacay Panama, Namibia waxay doonaysay in laga qaado xayiraadda wiyisha cad si ay lacag ugu ururiso dadaallada ilaalinta, laakiin codsigaas waa la diiday.

 

Leave a Reply