Waxgaradka Laascaanood oo ka Digay Halista Argagixisada Dagaalka ku soo Qaaday Nabadda Somaliland

0
183

 

Sii-xawle-(Dawan):- Waxgaradka Laascaanood ayaa ka digay halista argagxisada iyo dagaalka lagu soo qaaday nabada Somaliland, isla markaana ku baaqay in wadajir looga hortago.

Mid ka mid ah odayaasha Laascaanood oo ka hadlayey goob ay ku dhinteen kooxo argagxiso diyaarinayey walxaha qarxa ayaa ugu baaqay bulshada Laascaanood inay ka feejignaadaan dagaal dibedda laga soo abaabulay, lagana taageero.

“Shil baa ka dhacay halkan waxa lagu diyaarinayey qaraxyo magaalada ummada islaamku joogto lagu qarxiyo, qaarna qarxiyaan buundada, ninka waxa samaynaya ma muslim baa, ma Soomaali baa?”

Waxaanu intaa raaciyay in dhacdadaasi markhaati u tahay wixii ay ka digayeen waxgaradku, isla markaana u sheegayeen in dagaalku yahay mid dibedaha laga soo abaabulay.

“Waxaanu u aragnaa inay dadka Soomaalida Maraykan iyo Ingiriis jooga dalka dagaal ku hayaan, adduunka waanu gaadhsiinaynaa, ha lanaga qabto dadkaa”

Wuxuu bulshada Laascaanood ugu baaqay inay ka tashadaan halsitan, waxaanu yidhi,

“Waxaan leeyahay bulshada ka tashada, wuxau (dagaalku) sidaad moodeysaan maaha, waanu idiin sheegnay.Laascaanood dhibkii ka jirtay, umadii dadka dilaysay waa kuwan, tan ayaa markhaati ka ah”

 

Leave a Reply