Wasiirka horumarinta Beeraha oo Kormeer ku tagey Mashruuca Banka Wajaale

0
167

Wajaale (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa shalay kormeer ku soo maray Mashruuca Banka Wajaale ee Gobolka Gabiley.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen Xubno uu ka mid yahay agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Waraabka ee Wasaaradda Beeraha Mawliid Xasan Cabdi, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Maareeyaha Wasaaradda u qaabilsan Mashruuca Banka Wajaale Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale, ayaa kormeeray Dalagyada kala duwan ee Wasaaradda Beeruhu ku beertay Banka Wajaale, waxayna War-bixin ka dhegaysteen Maareeyaha Mashruucaasi Mr. Gaboobe.

Ugu dambayn, Wasiirka oo halkaa ka hadlay ayaa Beeralayda Somaliland u soo jeediyey Inay ka faa’idaystaan dhulka oo ay dedaalka Wax-soo-saarka kor u qaadaan.

Leave a Reply