“Haddii aan Deegaan Bedqabaa jirin Suura-gal maaha in la helo Xoolo Caafimaad Qaba…”1

0
269

Xoolaha nool ayaa lagu tilmaamaa in ay jamhuuriyadda Somaliland laf-dhabarta dhaqaalaha yihiin , iyadoo na uu dhaqaalaha ugu badan ka soo gallo dhoofka xoolaha.

Waxaana sanad kasta ay jamhuuriyadda Somaliland dibedda gaar ahaana kuwa Khaliijka Carabta, ay u dhoofisaa malaayiin xoolo nool ah, oo isugu jira Adhi, Geel, iyo Lo’.

In la hello xoolo caafimaad qaba, waxay ku xidhan tahay in marka hore laga shaqeeyo bed qabka deegaanka, isla markaana la horumariyo, la na ilaaliyo.

Si loo horumariyo caafimaadka, iyo bed qabka xoolaha nool, waxay xukuumadda Somaliland dedaal balaadhan gelisay sidii loo horumarin lahaa ilaalinta deegaanka.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbeselka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, oo arrintaasi ka kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay xuska Maalinta Caafimaadka Xoolaha Adduunka, oo sanad si weyn looga xusay Somaliland.

Xuska maalinta caafimaadka xoolaha adduunka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, iyo Kalluumaysiga Somaliland, taasoo 29-kii bishii April, sanadkan lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa hadalkii uu agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland ka jeediyay xafladaasi.

Waxaanu sheegay agaasimaha guud in Somaliland ay dedaal badan gelisay ilaalinta caafimaadka xoolaha, isla markaana ay xukuumadu dhaqaale badan ugu dartay miisaaniyadda qaranka.

Waxaanu yidhi, “Somaliland waxay ka dhigan tahay sidii Sac la lisayo, oo aan la quudin. Dalkeena dhaqaalihiisu wuxuu ku tiirsan yahay xoolaha nool. Shicib iyo dawlad ba waxaa la sameeyay dedaal badan. Maanta xoolaheenu way caafimaad qabaan. Laakiin, shaqo badan ayaa inoo hadhay”.

Maxamed C/laahi Ducaale, waxa uu xusay in ay ka wasaarad ahaam ka shaqeeyaan horumarinta deegaanka, sidaas darteedna haddii aan la helin degaan bed qaba, in aan la helaynin xoolo caafimaad qaba.

“Anaga ka wasaarad ahaan haddii aanu nahay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda, waxaanu ka shaqaynaa horumarinta deegaanka.

Haddii aan deegaan bed qabaa jirin, suuro gal ma aha in la hello xoolo caafimaad qaba”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland.

Agaasimaha guud waxa uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan dejiyeen xeerar iyo shuruuc lagu ilaalinayo bed qabka deegaanka, beerraha, iyo biyaha. Si gaar ahna u badhi-taaraya, dedaaladda ay waddo wasaaradda Xanaanadda Xoolaha. Somaliland.

“Waxaanu dejinay xeerar, iyo siyaasado dhamaantood ba qayb weyn ka qaadanaya, bed qabka deegaanka, beerraha, iyo biyaha. Si gaar ahna u badhi-taaraya, dedaaladda ay waddo wasaaradda Xanaanadda Xoolaha.

Waxaa ugu muhiimsan oo aanu ka xusi karnaa siyaasadda Maaraynta Deegaanka, oo ilaa todoba wasaarradood aanu ka wada shaqayno”ayuu yidhi Maxamed Ducaale.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo xusid mudan shaqooyinka ugu muhiimsan ee aanu wasaarad ahaan hayno, waxaa ka mid ah ilaalinta Seerreyaasha. Haddii aan Seerreyaal la helin, xooluhu meel ay inoo daaqaan la heli maayo.

Waxa kaloo aan jecelahay in aan halkan ka xuso, dawladeena Somaliland sanad walba waxay miisaaniyad balaadhan, iyo Cudud, iyo Caqliba ku bixisaa, sidii loo horumarin lahaa xoolaha Somaliland, Seerreyaasha, iyo deegaanka.

Waxaa muhiim ah in aynu qirno dedaalka aynu dawlad ahaan gelinayno. Waayo? Markaa aynu meel fiican ki tiirino, ee aynu dedaaladèena isku gayno, ayay adduunyadu na wax inala qabanaysaa”.

Ugu danbayn waxa uu agaasimaha guud tallooyin u soo jeediyay wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, iyo Kalluumaysiga Somaliland.

Waxaanu ugu baaqay in la dhiso aqoonta shaqaalaha, iyo dhakhaatiirta xoolaha ee ka hawl galla wasaaradaasi.

“Waxaan jecelahay in aanu dhiiri geliyo, oo aan ku baraarujiyo wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, in la dhiso aqoonta, iyo xirfadda shaqaalaha, iyo dhakhaatiirta xoolaha. Si markaa kor loogu qaado caafimaadka xoolaheena, iyo dhaqaalaheenna” ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha guud ee wasaaradd

Leave a Reply