Xikmadaha

0
463
  • Haddii aad doonto Khayrka minjo u noqo, laakiin sharka madax ha u noqon.
  • Geedka waxaa lagu qiimeeyaa midha uu bixiyo, qofkana waxa lagu qiimeeya ficiladiisa.
  • Qaladka ugu weyn ee dadku sameeyo waa; waxay dhageystaan kala badh, waxay fahmaan rubuc, waxay sheegaan laba jibbaar wixi ay maqleen ama dhacay
  • Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay banaanka soo dhigaan wixi kaa khaldan, sababtoo ah uma adkaysan karaan wanaaga iyo waxa fiican ee aad sameynayso
  • Marnaba aad ha uga fakirin wixi tagay, waxay kuu keenaysaa murugo.
  • Sida baryadu qofka u dullayso ayay deeqsinimaduna qofka u sharaftaa
  • Haddii beenta, dhagarta iyo khiyaamadu tahay wax lagu liibaano, Shaydaan ayaa ku liibaani lahaa;
  • Haddii aad Sharaf aduun rabto akhlaaqda wanaajiso, , haddaad aakhiro fiican doonaysona akhlaada wanaaji, haddaan labadaba rabto, akhlaaqda wanaajiso.
  • Caawi dadka in ka badan inta ay kaa filayaan. Waliba caawi adiga oo jecel in aad caawisid.
  • Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa khaladka ku sameeya.

 

Leave a Reply