Cajaa’ibka Yaabka Ganacsiga Caalamka !

0
264

Waaydii hore hadhaaga xashiishka ah waa la gubi jiray laakiin maanta waxa uu noqday ganacsi laga helo balaayiin doller. Dalka Hindiya dhoofinta timaha dadka ee xashiishka ah waxay ka mid noqotay badeecad ay uga soo xeroodaan sanadkii dakhli dhan $ 350 malyuun oo doller. Sidaa darteed timuhu dalka Hindiya waa il muhiim u ah dhaqaalahooda.

Timaha Hindida waxa laga soo ururiyaa macbadada. Dadka aaminsan Hinduga waxa ay timaha iskaga xiiraan cibaado ahaan, laakiin dadka ku cibaadaysta macbadada caanka ah ee Thiruthani Murugan iyo goobo kale oo malaayiin qof isugu yimadaan waxa timaha la iskaga xiira caafimaad ahaan.

Wakhtiyada ugu caansan waxa ka mid ah ciida Hindida ee lagu qabto buuralayda galbeedka Chennai ee dalkaasi. Ciidaasi oo ay Hindidu qabsan jireen qarniyo badan, waxaana ay u yaqaaniin goobta baryada.

Ducada ugu badan ee goobtan ay u tagaan waa helida nasiib fiican iyo caafimaad. Dadka isugu yimaada dhammaantood waxa ay iska xiiraan timaha, sidaa darteedna waxa ka hawlgala shirkadaha soo saara timaha la isku qurxiyo. Dadka timaha iska xiira macbadka wax lacag ah kama qaataan waayo waxay aaminsan yihiin inay cibaado tahay

Hindiya waa dalka dhoofiya timaha bina’aadamka ee ugu badan dunida. Dalka Shiinaha iyo Ruushkuna waa labada dal ee tartanka kula jira Hindiya.

Dalalka Yurub waa macaamiisha ganacsi ee ugu weyn ee Hindiya u dhoofiso timahaas. Shirkadaha Xarumaha Koofeerka ee ku yaalla magaalada Paris ee Faransiiska sanadkii waxay debedaha ka soo iibsataa timo gaadhaya 80 Bilyan oo doller.  (CNN)

 

 

 

 

 

Leave a Reply