aakimka Iyo Adeegsiga Caqliga!

0
305

Markii maxkamadda dacwaddu ka bilaabantay, xeer ilaaliyaha ayaa ku oogay eedihii loo haystay  ninka dacwaysanaha ah taasi oo ahayd inuu dilay xaaskiisa. Markhaatiyaal  goob joog ah lama keenin, laakiin dooda xeer ilaaliyaha ayaa u muuqatay mid xaqiiq ah oo la aqbali karo.

Cadayamaha uu keenay ayaa ahaa in eedaysanaha iyo gabadhiisa muran weyni ka dhex jiray, iyo inuu mar horena  isku dayay inuu dilo taasi oo jaarku ka badbaadiyee. Sidaas awgeed xer ilaaliiyaha ayaa codsaday markii uu dhameeyey eedihiisa in ninkan dil lagu xukumo.

Garyaqaanka u doodayay ninka eedaysanaha ah ayaa isaguna dhiniciisa si weyn u difaacayay , markii dooda xeer ilaalinta iyo Garyaqaanku dhamaatay ayaa loo diyaar garoobay in lagu dhawaaqo xukunkan maxakamaddu gaadhay.

Wakhtigaasi ayuu garyaqaanka eedaysnaha u doodayay  ku yidhi Xaakimka :” Xaakim, ninkani ma dilin gabadha, waxaana ay imika ka soo galaysaa albaabka iyadoo socota, wayn nooshahay”.

Dadkii dacwadda dhegaysanayay oo uu ku jiro xeer ilaaliyuhu ayaa dhamaantood eegay albaabka, laakiin qofna sooma gelin.

Garyaqaankii ayaa ka dibna yidhi :” Markii aan idiin sheegay inay albaabka soo gelayso , dhamaantiin waxaad wada eegteen iyadoo denbi ooguhuna idinku jiro, taasi waxay muujinaysaa in ay weli nooshahay, oo shaki keliyi jiro, sidaa awgeed cadaalad ma noqonaysa denbi aan caddayn oo dhamaantiin shaki idinka jiro in qof loo deldelo”.

 

Laakiin xaakimkii ayaa isna ugu jawaabay :”dadka oo dhami waxay wada egeen albaabka markii aad hadalka sheegtay si ay u arkaan, laakiin garyaqaan mala socotaa  in Eedaysnahan aad u doodaysaa in aanu isagu eegin albaabka oo anigu aan ujeeday isaga waayo isagu wuxu hubay inuu dilay waxaana noo cadaatay inuu yahay ninkii dilay. Waxaana uu ku dhowaaqay inuu ku xukumay deldelaad.  Garsoorayaasha iyo garyaqaanada waxa dhex maro weedho

Leave a Reply