Ciidamo Hor Leh oo ka soo Goostay Maleeshiyaadka Huwanta ah ee Ka Dagaalamaysa Laascaanood

0
273

Samakaab (Dawan)- Ciidamo cusub ka soo goostay maleeshiyaadka huwanta ah ee ka dagaalamaya Laascaanood ayaa shalay lagu soo dhaweeyey Taliska Qaybta 7-aad ee Ciidanka Qaranka ee Deegaanka Samakaab.

Ciidankan oo hubkoodii iyo gaadiidkoodii tiknikada dagaalka wata ayaa saraakiisha Ciidanka Qaranka ee Qeybta 7aad soo dhoweeyeen dugsiga tababarka Qeybta 7aad.

“Waxaan maanta soo dhoweynaynaa guutadii 81aad, ciidankii Lafaweyne oo Ciidanka Qaranka hore uuga tirsanaa, oo khaladkii dadka laga dhaadhiciyey raacday, balse imika ku soo laabtay Ciidankoodii Qaranka.”

Saraakiisha Qeybta 7aad ee Ciidanka Qaranka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dhamaan Ciidankii qaranka ee hore loo khalday inay soo laabtaan, waana saamax.

Madaxda Qeybta 7aad ee ciidanka Qaranka ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood waxa eedeysane noogu qoran saddex iyo soddonkii nin, Garaadada iyo Cabdi Madoobe, dadka kale ee la khalday qof walba waa la saamaxay inay shaqadeedii ku soo laabtaan.

“Saddex iyo soddonka nin waxaan leeyahay dawarsiga iska daaya, oo magaca beesha ha dilina.”

Taliska Qeybta 7aad ee Ciidanka Qaranka oo fariin u diray shacabka Laascaanood ee la khalday ayaa u sheegay in indhahoodu wax arkayaan.

Sarkaal kale oo Ciidanka u hadlay ayaa sheegay inuu si fiican u yaqaano Cabdi Madoobe, isla markaana uu khaldamay ninka Garaadka sheeganayey ee sheegay inaanu shabaab ahayn,, waxaan leeyahay wuu ka xun yahay Al Shabaab.

Saraakiisha hogaaminayey ciidanka dib ugu soo laabtay Ciidanka Qaranka oo ka hadlay ayaa sheegay inay dib ula midoobeen Ciidankoodii Qaranka.

Saddex Xidigle Cabdirisaaq Xaashi Cilmi ayaa sheegay in iyagoo hore uga tirsanaa Guutada 81aad ee Ciidanka qaranka, imikana u mahadcelinayaan saraakiisha Qeybta 7aad ee isaga iyo ciidankiisa soo dhoweeyey.

“Laascaanood waxa ka jirta marin-habaabin dadka degaanka la doonayo in laga horkeeno maamulkoodii iyo deriskooda, waxaanan uugu baaqayaa inay dadkoodii iyo degaankoodii dib ula midoobaan.

Waxuu sheegay in Garaad Jaamac 15 Sannadood horteed uu dalka ka tegay, maalintuu ku soo noqdayna halkii wanaag laga filayey dhibaatada u horseeday bulshadii, waxaanu yidhi,

“Garaad koodhkaagu ummada ma qaadee, rabshada ka daa. Annagu Somaliland ayaan u dhalanay xuduudeedana waan xaqiijinayaa.” Ayuu yidhi Kabtan Cabdirisaaq.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply