Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumada oo Socdaal ku Tegay Dalka Taiwan

0
242

Taipei (Dawan)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland oo socdaal shaqo ku teagy dalka Taiwan, ayaa lagu soo dhoweeyey dalka.

Safiirka JSL ee dalka Taiwan Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud ayaa uuga mahadceliyey hay’ada ICDF ee Taiwan tababarada dhinaca Isgaadhsiinta, Caafimaadka, Waxbarashada ay siiso hawlwadeenada Somaliland.

Fariin uu shalay ku baahiyey bartiisa Twitter ayuu Safiir Maxamed ku yidhi,

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku qaabilo oo aan ku soo dhaweeyo Saleebaan Cabdi, Agaasimaha Amniga Internetka, iyo Axmed Muuse, la taliyaha sare ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Tignoolajiyada Isgaadhsiinta.” Isagoo raaciyey,

“Waxaan jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo Taiwan ICDF tababarka iyo koorsada la bixiyay iyo sidoo kale wadashaqeyntooda wanaagsan ee ICT, beeraha, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.”

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah socdaalo kala duwan oo masuuliyiinta labada wadan si joogto ah isu dhaafsadaan, si kor loogu qaado iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhexeysa.

 

 

 

Leave a Reply