Maxkamada Sare ee JSL oo 7 Maalmood u Qabatay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada in Uu Kaga Soo Jawaabo Dacwad laga Gudbiya

0
202

Hargeysa( Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Somaliland Aadam Xaaji Cali ayaa muddo 7 maalmood ah u qabtay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed in uu kaga soo jawaabo Dacwad Dastuuri ah oo uu soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Aadam Xaaji Cali oo ka soo jawaabay dacwad lid ku ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif oo uu u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Maxkamadda Sarre ayaa waxa lagu sheegay in laga doonayo In uu ka soo jawaabo Dacwadaa dastuuriga.

Waxaana ay u dhignayd Sidan. “Ujeeddo kaa soo Jawaabid Dacwad Dastuuri ah.

Waxaanu halkan kuugu soo gudbinaynaa nuqul ka mid ah Dacwad Dastuuri ah oo lid kugu ah oo uu soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha ee Qaranka JSL, dacwadaas oo lam. Yahay MS/GDD/02/2023, kana furan Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL.

Sidaas darteed waxaa lagaa doonayaa in aad mudo todoba (7) cisho ah aad kaga soo jawaabto dacwadaa Dastuuriga ah laga bilaabo 6/6/2023 kuna eg 13/06/2023.

Allaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Maxkamadda sarre Aadam Xaaji Cali Axmed.”

Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan waxa uu ku ee deeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif in uu ka hor yimid jiritaanka iyo qarannimada Somaliland,

Waxaana u dhignayd sidan Dacwad Dastuuri ah ee lagu soo oogay Cabdirisaaq Khaliif.

Ujeeddo:- Wargelin Dacwad Dastuuri ah oo lid ku ah.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Mudanayaal:

Waxaanu idiinku wargelinaynaa inaanu u gudbinay Maxkamadda Dastuuriga ah dacwad lid ku ah Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed sida ku xusan qoraalkayaga ku taarikhaysan 01/06/2023, Maxkamadduna naga qabatay 04/06/2023, kaasoo ku xadgudbay Qodobada 1aad iyo 2aad, 129, 50aad, xubintiisa 3aad, iyo 5aad, 38aad xubintiisa 3aad, iyo 4aad, 123 ee Dastuurka JSL. Waana sidan faahfaahinta Dacwadaasi:

  1. Gudoomiye Abdirisaaq Khaliif Axmed wuxuu si cad uga hor-yimid jiritaanka iyo midnimada Qaranka JSL, isagoo taageeray Go’aanadii ay soo saareen Garaadadii iyo Guddigii 33 ka koobnaa ee ku shiray Laascanood. go’aanadaasi oo ay ku sheegeen in Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn aanay Somaliland ka mid ahayn oo ay si toos ah u hoostagto Dawlada Federaalka ee Somaliya, sidaasna wuxuu ugu xadgudbay isla markaasina jabiyey Qodobada laad iyo 2aad ee Dastuurka JSL;
  2. wuxuu ka been sheegay dhaartii Qaran ee uu ku dhaartay inuu u noqonaayo daacad Dalka Somaliland Dadkiisana ku maamulayo Sinaan iyo Cadaalad si waafaqsan Qodobka 129 ee Dastuurka JSL, wuxuuna sheegay in qayb ka mid ah Dadweynaha Somaliland u metelo oo aanu Dalka oo dhan daacad u ahayn una
  3. Waxaa kale oo uu ku xadgudbay Qodobka 50aad xubintiisa 3aad, iyo Saad ee Dastuurka JSL, isagoo jabiyey shuruudihii lagu soo doortay oo ah xil gudasho, isagoo gudan waayey xilkiisii loo soo doortay, kana maqnaaday Golaha 20 (labaatan) fadhi oo isku xiga idin la’aan iyo inuu ka maqnaaday Shaqadii Golaha Wakiilada in ka badan 45 cisho cudur-daar la’aan ah, sida ku xusan Qodobka 10aad xubnihisa (1) (J) (X) (KH) ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Lrm.01/2021. Sidoo kalena wuxuu ku gefay Qodobka 38aad xubintiisa 3aad, iyo 4aad ee Dastuurka JSL, kaasoo dhigaya himilooyinka iyo waajibadka saaran Baarlamaanka Somaliland ee uu metelaayey ee ahaa sugidda nabadgelyada iyo ammaanka JSL iyo u madax- banaanida maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda.
  4. Wuxuu ku xadgudbay Qodobka 123 ee Dastuurka JSL oo ka hadlaya Mabaadiida Ciidanka Qaranka JSL oo ah ilaalinta iyo difaaca Qaranka JSL, waxaanu ku cambaareeyey Ciidanka Qaranka ee waajibadkoodii gudanaayey isagoo sheegay inay geysteen xasuuq ka dhan ah Bini-aadanimada, sidoo kale wuxuu been ka sheegay ciddii bilawday dagaalka isagoo sheegay in dagaalku ka imanayo dhinaca Ciidamada Qaranka, waxaa kale oo uu dhiirigelin u muujiyey Kooxaha Huwanta ah ee iskugu jira Argagixisada, Maleeshiyada Nabad-diidka ah, iyo Ciidamada Putland ee duulanka hubaysan ku soo qaaday Somaliland, isagoo sheegay inuu ku difaacayo aragtidooda ay qabaan oo ah inay dulmi iska difaacayaan, taasoo ah waxba kama jiraan.

Hadaba, anagoo ka duulayna Qodobka 49aad xubintiisa laad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Xlm.24/2003, Qodobka 49aad xubintiisa 7aad ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 119 XHM oo lala akhriyo Qodobka 68 XHM, waxaanu Maxkamadda Dastuuriga u gudbinay Dacwad aanu ku dalbanayno inay laasho meeshana ka saarto xubinimada Golaha Wakiilada ee Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Ahmed maadama uu Dastuur Jabin ku kacay.

Sidaasi darteed, waxaanu idiinka codsanaynaa inaad sidaasi ula socotaan dacwadaasi.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.”

 

 

 

Leave a Reply