Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dalka oo la Muddeeyay

0
203

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaacisay xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare iyo hoose oo ay sanad waliba qaado dowladda Somaliland.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Imtixaanka fasalka 4aad ee dugsiga sarre iyo ka sideedaad ee dugsiga hoose la qaadi doono 17-ka bishan June ee sannadkan 2023-ka.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu faray dhamaan ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo maamulayaasha Iskuuladda inay u diyaar garoobaan waqtiga kooban ee ka hadhsan qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 4-aad iyo 8-aad.

Sanad kasta marka la gaadho bisha June ayay qaada dowladda Somaliland Imtixaanka Shahaadiga ee fasalada afraad iyo sideedaad ee dalka.

 

 

 

 

Leave a Reply