Wasiirka Deegaanka JSL Oo Furray Shir Lagu Falan-qaynayo Qorshaha Fulinta Tubta Yaraynta Dikhawga Hawadda

0
102

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shalay magaaladda Hargaysa ka furtay kulan lagaga arrinsanayo qorshaha fulinta tubta yaraynta Dikhawga Hawadda.

Kulan hawleedkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland, iyo haayada World Vision, oo metelaysay Dalladda ay ku midoobeen 8 haayadood.

Kuwaasoo magacoodda loo soo gaabiyo (SomReP), Dr. Amaal Cali, oo ka socotay haayadda AQN International, iyo Aqoonyahano ka socday shirkadda Bizra, saraakiil ka socday haayadaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Waxa kaloo shirkaasi ka soo qayb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socday wasaarradaha dawladda, iyo haayadda ka hor tagga aafooyinka dabiiciga ah, iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland ee loo soo gaabiyo NADFOR.

Kulankan ayaa la filayaa inay ka soo bixi doonaan qorshaha iyo Tubta lagu hirgelinyo mashruuca yaraynta Dikhawga Hawada, iyo sidii faaโ€™iido dhaqaale looga samayn lahaa Carbon-ka Hawadda lagu sii daayo.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo kulankaasi furtay ayaa ka warbixisay u jeedadda kulankani, iyo waxyaabaha la rejaynayo in ay ka soo baxaan. Waxaanay sheegtay wasiirku in kulankani uu la xidhiidho qorshe ay dhawaan isla qaateen wadamo badan oo caalamka ah.

Kaasoo lagu qorsheeyay in wasakhda ay Hawadda ku sii daayaan wadamadda horumaray laga faaโ€™iidayso, isla markaana wadamadda dhaqaalahoodu hooseeyo ay u siin lahaayeen dhaqaale mag-dhaw ah.

Waxaanay tidhi, โ€œCarbon cryptic, waa wax inagu cusub inaga Carbon cryptic-ku, shirkii Paris waxaa ka soo baxay in laga faaโ€™iidaysto Carbon-ka la soo saarayo. Marka kharash loo bedello, sidii loo miisaami lahaa Hawadda caafimaadka qabta, iyo Hawadda dikhawgu ku dhacay ee wasakhawday. Dawladaha adduunka ee horumaray, Carbon-dioxide-ka ay soo saaraan ee ay hawada ku sii daayaan ma aha mid yar. Marka Wershadahoodda, iyo baabuurtoodda la eeggo.

Inaga tusaalaha ugu yari waxa weeye, magaaladan Hargaysa marka la eeggo baabuurta maraysaa waxay sii daynayaan Carbo-dioxide, sida ay inoo saamaynayso. Baabuurtu markii hore way inagu yaraayeen, laakiin imika maalin ba maalinta ka sii danbaysa way ka sii kordhayaanโ€.

“Sidee hada ba looga faa”iidaysanayaa Hawadaa la wasakheeyay, dhaqaale ahaan sidee looga faa’iidaysanayaa? Waxaa looga faa’iidaysanayaa, in dawladaha horumaray ee iyagu Hawadda wax badan kharibay, ee horumarka samaynaya, sidee baa hadaba kuwa uu horumarkoodu hooseeyo, ee aan iyagu Hawadda wax badan oo Qiiq ah ku sii daynaynin, sidee labadaa loo miisaamayaa?

Waxaa la isla qaatay markaa, in wadamadda Afrika ee soo kobcaya, in ay dawladaha horumaray, caawiyaan ama ay wax siiyaan, oo dhaqaale ahaan laga faa’iidaysto, oo dawladahaa horumaray la khasirro, ama la ganaaxo, oo la yidhaahdo waxaa bixiya.

Beertan baa la yidhaahdaa waxa lagu bixiyo. Halka mitric ton-ba waxa uu u dhigmaa, wax gaar ah oo lacag ah ayuu u dhigmaa”ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Geesta kale wasiirka ayaa sharaxday sida lagu helayo dhaqaalaha mag-dhawga ah, ee ay bixinayaan dawladaha horumaray, ee la siinayo wadamadda dunidda saddexaad.

“Maxaa lagu bixinayaa? Yaa se qaadanaya? Yaa se fulinaya arrimahaasi? Marka u horaysa waa inuu dalku sharci leeyahay. Haddii aanu sharcigiiba lahayn, mishkiladeedda ayay leedahay.

Maadaama ay imika cimiladii adduunku is bedelayso, siyaasadaa aynu inagu u soo saarnay cimiladaa is bedeshay, taasuu hoos imanayaa xeerku. Sababtoo ah waa xeer ka hadlaya isbedelka cimiladda.

Hadaba maxay Somaliland kaga faa’iidaysanaysaa? Oo maxaa dhaqaale ah ee aan ka helaynaa? Waxaynu way ku helaynaa in aynu dib u eegno wixii kharibnaa oo dhan. Waxyaabahaasi khariban in aynu saxno ayaa loo baahan yahay.

Maxaynu kaga faa’iidaysanaynaa? Waa in dhir la beerro, waa in dhirtii hore la ilaaliyo, waa in Daaqa la ilaaliyo, waa in beerihii la ilaaliyo. Wax kastoo waxtar inoo ah waa in la ilaaliyo, oo lagunilaaliyo kharashka ay adduunyadu bixinayso. Dawladaha horumaray kharash iska bixin maayaaan haddii aanad wax tusin.

Carbon criptic-ku waa barnaamin weyn imika, waana wax weyn oo inoo soo kordhay, oo aynu hiigsanayno, oo aynu u samaysanayno weelkeedii. Haddii aanad weel ba lahayn, cidi na waxba ku siin mayso. Waana in weelkeedii loo samaysto, oo fekerkeedii la la yimaado”ayay tidhi wasiirka Deegaanka Somaliland.

 

 

 

 

Leave a Reply