Shirkadda Somtuna oo Dalka Keentay Warshada Qasaaca Kaluunka

0
231

Berbera (Dawan)- Warshada kaluunka ee SOMTUNA oo muwaadiniin reer Somaliland ahi maalgeliyeen ayaa la filayaa inay dhowaan suuqyada dalka iyo dibeda geliso kaluun lagu qasacadeeyey dalka gudahiisa.

Waxaanu Xoojinaynaa Wax Soosaarka Dalka, Annaga Oo Ka faa’idaysanayna Badeena Baxaadda Wayn. Innaga oo xeeb dheer leh, haddana kalluunka qasacadaysan waa la innoo soo dhoofin jiray waligeen dibada.

Shirkadda Somtuna ayaa markii ugu horraysay Berbera keentay warshaddii lagaga maarmi lahaa, waxaana ka shaqo-galay boqollaal dhalinyaro ah.

Warshada Kaluunka SOMTUNA ayaa doraad Hay’adda Tayaddu ku gudoonsiisay Summadda Tayada Qaranka, munaaisbad ay ka soo qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jira Wasiirro, Wasiir-ku-xigeenno, Guddoomiyeyaal xarumo dawladeed, Agaasimayaal Guud, Xildhibaanno ka mid ah Golaha Deegaanka magaalada Hargeysa, baarlamaanka, martisharaf ka mid ah aqoonyahanka dalka iyo guud ahaan shaqaale-weynaha Hay’adda Dhawrista Tayada.

 

 

 

Leave a Reply