Sayladaha Xoolaha Burco iyo Hargeysa oo si Xawli ah ay uga Socdaan Iibka Xoolaha iyo Filashada Sannadkan ee Mooshinka

0
225

Hargeysa (Dawan):-S omaliland waxaa ku yaalla sayladaha Xoolaha ee ugu wayn Geeska Afrika isla markaana waxaa sannad kasta xiliga Mooshinka Xajka Sayladda Burco oo ah Sayladda iyo suuqa Xoolaha ee ugu wayn geeska Afrika ayaa laga dareemaa dhaq dhaqaaqa iibka Xoolaha Somaliland ka dhoofaya.

Sayladda Burco ayaa mashquul iyo ahayd maalmihii ugu dambeeyay ka dib karkii shirkadda dhoofka Xoolaha ee Al-Jaabiri ay Xoolihii ugu badnaa ay iubsanayso iyadoo dadka Xoolo dhaqatada ah ee xoolaha u iibkeenay Sayladaha Xoolaha ee Burco iyo Hargeysa ay suuq fiican u heleen sannadkan xoolaha dalka ka dhoofaya.

Dhinaca kale sayladda Hargeysa,ayaa si xawli ah ay uga socota iibka Xoolaha mooshinka Xajka ee Sannadkan. Waxaana meesha ka baxay warra been abuur ah oo male awaal ahaa oo dadka lagu niyad jabinayay oo sheegayay in Shirkadda Al Jaabiri ay qiime hoose oo aan u qalmin Xoolaha ay ku doonayso isla markaana Sayladaha Xooaha wax iibsigoodu uu hooseeyo.

Laakiin taa bedelkeeda muddo sanado ah maanta ayay xoolaha dhoofka mooshinka Xajka ee sanadkani ugu suuq wacan yihiin isla markaana Shirkadda AL jaabiri Xoolaha ku iibsanaysa qiimaha ay u qalmaan ee ku habboon.

Wariyeyaal ka tirsan Bahda Xogsoormedia oo booqday Sayladda Xoolaha ee Hargeysa ayaa u kuur galay iibka Xoolaha nool ee sannadkan ka dhoofaya Somaliland

Mana jirim wax cabasho dhabka iibka Xoolaha ah oo ay kula kulmeen wariyeyaasha Xogsoor ee Sayladda hawsha shaqo u tegay.

 

Leave a Reply