Tartan Orod oo ay ka Qaybgalayaan 10 Dal oo ka Furmaya Magaalada Hargeysa

0
236

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland iyo agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa sirasmiya u shaaciyay tartan orod heer Caalami ah kaas lagu qaban doono magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xidhiidhka ciyaraha Fudud Somaliland Maxamed Xassan Nageeye, ayaa shaaciyey in magaalada Hargeysa ay ku qabanayaan tartanka caalaiga ah Hargeysa international Maraton, waxaanu bulshada weynta Somaliland ku wargaliyey in tartankaasi ka soo qeybgalaan.

Geesta kale waxa uu dhallinyaada uu kula dadaray in xafiiska xidhiidhka ciyaraha fudud Somaliland iska soo diwangaliyaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tartankan ay ka soo qaybgalayaan orodyahano ka kala socda dalal ka mid ah qaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin Burundi, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Masar, Jaad, D.Jabuuti, Kamaroon, Angoola, Koongo iyo Gaaboon.

Dhinaca kale waxa uu ka codsaday dhallinyarada magaalada Hargeysa in ay ka qayb qaataan tartanka orodka caalamiga ah ee lagu qaban doono magaalada Hargeysa, waxaanu intaas raaciyay in la dhiirigeliyo orodyahannada dalkeena.

Geesta kalaena, agaasimaha waaxda ciyaraha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf Xassan ayaa ka warbixiyey in tartankaas orodka caalamiga ah ee Hargeysa international Maraton ka soo qeybgali doonaan orodyahanada toban dal oo qaaradda Africa ka mid ah, halka dhalinyarada reer Somaliland uu ka dalbadey in iska soo diwangaliyaan xarunta xidhiidhka ciyaraha fudud Somaliland.

 

 

Leave a Reply