Dhamaadka Nolosha Dembiilaha!

0
183

Jack Messrin waxa uu ahaa nin fuliyay denbiyo kala duwan oo isagu jira dilal iyo budhcadnimo, mudadii u dhaxaysay 1960 -1979, waxaana uu suura gashay in marar badan oo xabsiga la dhigay uu haddana ka baxsado.  Jeelasha uu ka baxsaday ayaa ku kala yaalla Faransiiska iyo  Kanada.

Mar kasta ooo uu ka baxsado jeelka haddana denbi uu sameeyay  ayaa lagu soo xidhayay isaga iyo koox ay saaxiibo yihiin oo si xoog leh u hubaysan.  Jack Messrin ayaa sababta uu jeelka ugu soo noqon jiray ay ahayd inuu maxaabiis ay saaxiibo yihiin ka sii daayo jeelka iyo isagoo had iyo jeer doonayay inuu ka aarguto ciidanka Ilaalada xabsiga.

Wakhti danbe oo dib loo soo xidhay ayaa loo wareejiyay xabsi adag oo ku yaalla dalka Faransiiska ka dib markii ilaalada jeelasha kale ay iska diideen, xabsigan ayaa ahaa mid adag oo sida looga baxsadaana ay tahay mid dhib badan. Ilaalada xabsigan ayaa iyana ah mid si weyn u hubaysan aadna uga halis badan jeelashii kale ee faraha badanaa ee hore loogu soo xidhay.

Jack ayaa isku dayay inuu ka baxsado jeelkan sidii caadada u ahayd, waxaana u suura gashay in uu xado hubka ilaalada mid ka mid ah, iyo weliba gaadiidka goobta yaalay midkood. Wakhtigan waxa kasta oo uu sameeyay may noqon mid uu ku badbaado madaama jeelku adag yahay waxaana rasaas ku furay booliiska ilaalada ahaa, halkaasi oo ay ku asiibtay rasaastii faraha badanayd ee ay ku rideen sanadkii 1979. Sababta booliisku u dileen ayaa ahayd iyadoo jeelkan maxbuuska la keenaa uu yahay mid dhiig yacab ah oo haddii uu isku dayo inuu baxsado ay ku amaranaayen inay toogtaan.

Halkaasi ayaa noloshii dilka iyo naxariis darada caanka ku ahayd ee Jack ku soo xidhantay. Si kasta  iyo muddo kasta oo uu badbaado denbiiluhu ugu danbaysta waxa ku dhaca ciqaabta dunuubta uu galabsaday.

 

Leave a Reply