Hubsiima La’aanta Waxa Ka Dhasho Halis Badan!

0
268

Nin ka ganacsada maandooriyaha ayaa Booliiska Denmarka xidheen ka dib markii uu si khalad ah isagoo kiish ay ku jirto maandooriye soo koray gaadhi booliisku leeyahay oo ah kuwa u sheqeeya sida dadban ee aan sumadda booliiska lahayn, waxaana uu qaatay tagaasida la kiraytso. Ninkan ayaa ku socday gurigiisa isagoo ka ganacsanayay maadnooriyaha  majuna (drugs Marijuanada) waxaana uu ahaa mid degdegsan oo ka baqanaya in booliiska markii uu gaadhiga kiraysnaay.

Ganacsdaha ayaa ka codsaday wadaha inuu qaado isagoon kor u eegin nasiib daro , markii uu ninku darawalka eegay ayuu naxay isagoo gartay inuu booliis yahay . Taasi oo ku baraarujisay booliiska uu ninkani denbiile yahay, Booliiska ayaa xidhay baadhisna ku sameeyay Buqshada uu sitay taasi oo ay ka dhex heleen maandooriyaha.

 

Leave a Reply