Dood Golaha Guurtida Faransiiska Ka Yeeshay Afrika oo Lagu soo Jeediyey Taageerida Horumarka Somaliland

0
230

Paris (Dawan)- Xildhibaan Olivier Cadic ayaa ku baaqay in la dhiirigeliyo horumarka Somaliland ku talaabsatay, mar uu ka hadlayey dood golaha guurtidu ka yeeshay fahamka qaarada Afrika.

Md. Cadic oo ka mid ah Guddida Arrimaha Diebdda ee golaha Guurtida Faransiiska oo khudbad ka jeediyey fadhi Guurtidu ka yeelatay khamiistii fahamka Qaarada Arika oo gaar loogu soo qaatay dalal Somaliland qeyb ka tahay ayaa sheegay “Somaliland waa dawlad ku taal Geeska Afrika oo ku dhawaaqday madaxbannaanideeda sannadkii 1991-kii, ka dib markii ay Soomaaliya dagaal sokeeye ka dhacday, oo ay colaado ka socdeen in ka badan 30 sannadood, oo sheegtay inay xidhiidh la leedahay Ruushka, waxaana daliil u ah booqashadii dhawaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku wajahan Magaalada Moscow.”

Mar uu ka hadlayey guulaha Somaliland gaadhay ayaa yidhi, “Ilaa iyo intii ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay waxay awood u yeelatay inay muwaadiniinteeda u dammaanad qaado xasillooni siyaasadeed iyadoo lagu doortay Madaxweyne doorasho guud iyo laba gole oo kala ah Baarlamaanka iyo Guurtida. Tan iyo markii uu xornimada qaatay shan madaxweyne ayaa isku xigay hogaanka dalka, taasoo ku yar Afrika iyo xitaa meelo kale.”

Xildhibaan Cadic ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ku qiimeeyaan Somaliland horumarkeeda, waxaanu yidhi,

“Ma waxaynu u xuubsiibaynaa qadiyada ah in Somaliland si rasmi ah loo tixgaliyo si loo dhiirigeliyo horumarkeeda mise waxaynu ku sii koobnaan doonaa xidhiidhka maamulka Xamar?

Dhinaca kale, Safiirka JSL ee Faransiiska Md. Cabdiraxmaan Yaasin Maxamed ayaa hore kulamo ula yeeshay Xildhibaan Cadic lagaga hadlay xidhiidhka Labada wadan ee Faransiiska iyo Somaliland.

 

Leave a Reply