“Waxyaabaha inaga aafada inagu noqday waa Bacda digreeto lagu mamnuucayay isticmaalka Bacda

0
159

Marka la gaadho maalinta shanta bisha May waxaa wadamo badan oo caalamka ah laga xusaa maalinta deegaanka adduunka. Somaliland ayaana ka mid ahayd wadamada sida weyn looga xusay sanadkan maalinta deegaanka adduunka.

Munaasibad balaadhan oo xuskaasi loogu dabaal degayay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Deegaanka ee magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyada JSL, wasiir ku-xgeenka wasaaradda Ganacsiga, iyo Dalxiiska JSL, iyo agaasime waaxeedyadda wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda, iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay saraakiil, iyo masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka JSL.

Maalinta Deegaanka Adduunka ee 5-ta bisha June, oo sanad walba wadamo badan oo caalamka ah laga xuso ayaa xuska sanadkan ee Somaliland waxaa Hal ku dheg loo qaatay (Yaraynta Dikhowga Caagga iyo Dhibaatooyinka Bacuhu ku leeyihiin Deegaanka).

Wasiirka wasaaradda Deegaanka JSL Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Baandare, oo khudbad ka jeedisay xuska maalinta Deegaanka Adduunka, ayaa sheegtay in dhibaatada ay Bacaha iyo Caagu ku leeyhihiin Deegaanka inay aad u badan tahay.

Istimaalka, iyo ka ganacsiga, iyo soo dejinta Bacda ayaa Somaliland digreeto madaxweyne lagaga mamnuucay sanadkii 2015-kii, hase yeeshee tallaabadaasi ayaan suurto gelin.

Hadaba maxay tahay sababta ay u hirgeli wayday digreetadaasi madaxweyne ee lagu mamnuucayay isticmaalka Bacda, iyadoo ay suuqyadda dalka si caadi ah looga ganacsado Bacaha.

Wasiir Shukri Baandare, oo sababta arrintaasi sharaysay waxay tidhi, “Waxyaabaha inaga aafada inagu noqday waa Bacda. Sanadkii 2015-kii ayay soo baxday digreeto madaxweyne oo lagu mamnuucayay isticmaalka Bacda.

Wasaarradaha Ganacsiga, Maaliyadda, iyo Maalgashiga, ayaana nagala shaqeeyay oo xoogga saaray sidii loo yarayn lahaa, ama loo joojin lahaa Bacda. Loo na keeni lahaa wixii lagu bedelayay Bacda. Inkastoo lagu ganaaxay dad ka ganacsanayay, Bacaha, hada na suuqii way taallaa.

Is-waydiintu waxay tahay halkee ayaynu ka liidanaa? Halka ay ka dabacsan tahay, waa daba-galkii. La daba-geli lahaa dukaanka, iyo Bakhaarka iibiya Bacda.

Xuduudaha wadanka ayay ka soo gelaysaa, waa laga gubayaa marka la qabto, markaa halkaa ayay ka dabacsan tahaye, hada na waa in aynu mar kalw dhexda u xidhano, oo dib wax looga qabto Bacda dalka la soo gelinayo, oo gobol kastaaba uu ka hawl gallo sidii Bacda loo joojin lahaa”.

Waaiirku waxa kaloo ay sheegtay in ay ka wasaarad ahaan ku dedaalayaan sidii dalka loo keeni lahaa Baco, ka duwan kuwa hada la isticmaalo oo dhulka la fal-geli kara.

“Anagu ka wasaarad ahaan waxaanu ku tallo jirnaa, oo ay nagala shaqaynayaan saddexda wasaarradood ee halkan joogaa, sidii loo keeni lahaa Bac, nooc kale ah oo la fal-gasho dhulka. Bacahaasi na si dhakhso ah ayay dhawaan dalka u imanayaan.

Haddii aan laga wada shaqaynin sidii Bacaha loo joojin lahaa, ma suurto gelayso. Waa na in si weyn loo daba-gallo” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay daryeelka, iyo ilaalinta deegaanka.

Waxaanu agaasimuhu shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan Deegaanka, isla markaana ay iska daayaan isticmaalka Bacaha, kuwaas oo waxyeelo balaadhan ku ah deegaanka.

“Sidoo kale waxaanu maanta (5-tii) bishan, kaga qayb qaadanaynaa xuska maalinta Deegaanka Adduunka, olole aanu ka wada shaqaynayno dawladda hoose ee Hargaysa. Hal ku dhega sanadkan oo ah Dikhawga ka dhasha Bacaha. Waxaan halkan baaq uga dirayaa dadka reer Somaliland oo aan leeyahay, waa in ay joojiyaan iaticmaalka Bacaha, ka samaysan Caagga, isla markaana ay ku bedelaan Bacaha ka samaysan Caagga, ee la saaxiibka ah, aan dhibaatadda u keenaynin deegaanka”ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanku waxa uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan dedaallo badan geliyeen sidii loo heli lahaa Bac aan deegaanka wax dhibaato ah u gaysanaynin.

Waxaanu bulshadda reer Somaliland ugu baaqay in meel uga soo wada jeestaan sidii ay deegaankoodda u ilaashan lahaayeen.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu dedaalo badan oo ah sidii loo heli lahaa Baco aan deegaanka waxyeelo u keenaynin. Wasaarad ahaan siyaasado badan oo lagu ilaalinayo deegaanka ayaanu samaynay.

Siyaasadda Maaraynta Qashinka ayaanu samaynay, oo dhawaan golaha wasiirrada la hor gayn doono. Dadweynaha reer Somaliland waxaan ku baraarujin lahaa sidii ay deegaankoodda u ilaashan lahaayeen”.

Dhinaca kale dhamaan masuulyiinta kale ee ka soo qayb galay munaasibadan ayaa shacabka ugu baaqay in la yareeyo isticmaalka Caagga, la na joojiyo Isticmaalka Bacaha oo dhibaato weyn ku haya Deegaanka.

Leave a Reply