Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Puntland ee Laascaanood

0
165

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda waxay soo dhawaynaysaa war-murtiyeedkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee ku saabsanaa joojinta colaadda, abuurista xaalado nabadeed, gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo dejinta xaaladda Laascaanood. Si kastaba ha ahaatee, waxaan sidoo kale rabnaa in aan muujino walaacayada in Golaha amaanka ay u muuqato in si khaldan loo sheegay xaqiiqda ka jirta dhulka. 26-kii Febraayo 2023, ciidamada Somaliland ayaa isaga baxay Laascaanood, waxaana tan iyo xilligaas ay difaac adag ku lahaayeen meel ka baxsan magaalada Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa si adag uga hortagay in ay waxyeelo soo gaadho dadka rayidka ah, waxaanay rasaas furaan marka ay iska difaacayaan weerarada   ciidamada maleeshiyada.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka walaacsan go’aankii Golaha Ammaanku uu ku gacan-saydhay in Al-shabaab ay si xawli ah ugu balaadhinayaan magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool ee Somaliland. Taasi khatar kuma aha Somaliland oo keliya ee waxay khatar ku tahay dalalka aynu jaarka nahay, Soomaaliya, Itoobiya, iyo Jabuuti iyo weliba gobolka oo dhan. Warqad aan u dirnay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuna taariikhaysan 12-ka April 2023, waxaanu ku wargelinay khatarta Al-Shabaab ee ku soo badanaysa Laascaanood iyo Gobolka Sool. Ma jirto dawlad keli ah oo xakamayn karta khatartan, sidaas darteed dawladda Somaliland waxay ka codsanaysaa xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay fiiro gaar ah siiyaan oo ay gacan ka geystaan wax ka qabashada khatartan isa soo taraysa.

Xukuumaddu waxay ku baaqaysay wada hadal intii uu dagaalkani socday, nasiib daro, baaqyadaas may aqbalin madaxda beelaha Laascaanood. Intii ay dagaaladaasi socdeen, Somaliland waxau u fududeysay hay’ado caalami ah oo gargaar bini’aadantinimo gaadhsiiya dadkeena ku dhaqan magaalada Laascaanood, iyo in la gaadhsiiyo agabka caafimaadka. Dawladdu waxay si joogto ah cunto, biyo, iyo dawooyin u gaadhsiisay dadka ku barakacay degaannada ka baxsan Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool waxa ay ilaalinayaan madaxbannaanida dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku jira xudduudaha aynu aqoonsannay wakhtigan aynu xornimada qaadannay. Xuduudaheenna caalamiga ahi waxay waafaqsan yihiin qodobka 4aad ee xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika oo ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.

Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida Laascaanood hortaagan ayaa ah ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo hurinaya colaadda. Waxaa muuqata in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay sidoo kale qaab qabiil u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Laascaanood. Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Puntland ee Laascaanood. Waxaan sidoo kale ku boorrinaynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay taageeraan bilawga dadaallada nabadeed.

Leave a Reply