Wakhtiga Kaadh-qeybinta Sool, Togdheer iyo Maroodi-jeex oo la shaaciyey

0
169

Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo war ka soo saaray kaadh qaadashada Goboladda Sanaag, Saaxil iyo Awdal ayaa sidoo kalana fariin u diray bulshada goboladda dhawaan laga bilaabaayo kaadh qadashada codbixiyaha.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Md. Muuse Xasan Yuusuf oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee KDQ ayaa sheegay in Jimcahii shalay ahayd maalintii ugu danbaysay ee kaadhqaadashada gobolda Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Muuse ayaa dhinaca kale ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan Gobolada Maroodijeex,Togdheer iyo Sool in ay u diyaargaroobaan kaadh-qaybinta oo si rasmi ah u bilaabmi doonota maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 12 june 2023, hawlgalkaas oo socon doona muddo 10 Maalmood ah oo ku eeg 21 June 2023.

Gudoomiyaha Komiishanka ayaa uuga mahadceliyey hawlwadeenada Komiishanka ee goobaha kaadh-qeybinta sida wadaniyada leh ee ay bulshadooda ugu shaqeynayeen mudadii kaadh-qaadashadu ka socotay gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag. Waxuu sidoo kale u mahadceliyey ciidamada Booliiska iyo Milateriga ee amaanka goobaha ilaalinayey mudadii hawshu socotay.

 

 

 

 

Leave a Reply