Erayga Falsafad waa eray Giriig oo macno ahaan noqonya “ Jacaylka Xikmadda”, waana daraasad lagu samaynayo mushkuladaha guud iyo kuwa asaasiga ah, jiritaanka, aqoonta, qiyamka, luqadda iyo caqliga. Waxaana ay si kooban ugu sheegaan inay tahay raadinta xaqiiqda iyo in jawaabo loo helo su’aalo badan.
Haddaba raggii falsafadda u go’ay kuwo badan oo ka mid ah ayaa raadintaasi markii ay ku daaleen oo ay garan waayeen xaqiiqda nolosha si iskood ah isuwada khaarajiyay, taasi oo ay sabab u tahay xaqiiqda diinta iyo rumaynta Allah (sw) oo ay ka anbadeen. Faylasuufyadan soo socda ee caanka ah mid kastaa waxa ku dhacay nooc waali ah ugu danbaystii si iskiis ah nafta isaga jaray.
Faylasuufkii Isocrates oo Giriig u dhashay aya isagu naftiis gaajo ku dilay, markii uu ku wareeray nolosha isla markaana awoodi waayay inuu sharaxo sababta ay mawjadaha baddu isu bedelaan maalin keliya labaatan jeer.Faylasuufkii Jarmalka ahaa Mr.Friedrich Nietzsche ayaa isaguna is dilay sanadkii 1900 markii uu xanuunka waalidu ku dhacay .
Sanadkii 1906 Mr.Ludwig Boltzmann isaguna is deldelay markii uu fahmi waaya macnaha nolosha. Sanakii 1910 Carlo Michelstaedter oo talyaani ahaa ayaa bastoolad isku dhuftay . waxaana dhamaantooda sabab u ahayd raadinta arimahaasi aan sheegnay oo ku adkaaday.
Faylasuufkii isagana lagu magcaabi jiray Siyunoon ayaa farahiisa mid jaray markii u gaadhay da’da 90 sano. Isagoo dhiigu ka daadanayo ayuu lugihiisa dhulka la dhacayay markii uu fahmi waayay xaqiiqda nolosha caalamkan waxaana uu isagoo ku qaylinaya baydka gabayga ah : “ Waan imi halkan (dunida), Maxaan halkan u imi ? , ilaa iyo intii ay naftu ka baxaysay.
Faylasuufkii Romaniga ahaa ee Bergrinos ayaa isna shiday dab aad u weyn , wuu ku wareegaystay isagoo dabku cod iyo midabo kala duwan bixinaya. Ka dibna wuu isku tuuray oo halkaasi ayuu ku dhintay.