Madaxweynaha Somaliland oo Mar Kale Baaq Nabadeed u Diray Garaaddada iyo Wax-garadka Sool

0
288

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in colaadda, iyo khilaafka ka taagan magaaladda Laascaanood uu yahay mid dhexyaalla gudaha bulshada reer Somaliland.

Waxaanu ugu baaqay waxgaradka iyo indheer-garadka gobolka Sool in wada-hadal iyo walaaltinimo lagu dhammeeyo arrinta taagan.

Waxaanu yidhi “Khilaafka reer Sool iyo Somaliland waa mid Somaliland iyo Sool ka dhexeeya, dal kastaana dadka joogaa wax bay kala tirsadaan, reer Sool-na waxaan leeyahay diyaar baannu u nahay in aynu walaaltinimo iyo nabad ku xallinno. Khasaare na intii dhacday inoogu filane in aynu nabad ku xallinaa baan idiinku baaqayaa.

Wixii waxgarad ah ee nabad doonaya, qofka aan nabad doonayn ee khasaaraha kusii socdana waxaanu leenahay talo ciidan oo adag oo dadka badbaadisa.”

Madaxweyne muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad uu tababar ugu soo xidhayay boqolaal ciidan cusub oo tababar soo dhamaystay.

Ciidamadan oo shalay tababarka loo soo xidhay oo ah dufcado ka mid ah ciidamada Qaranka ayaa muddo lagu carbinayey kulliyaddo kala duwan.

Iyadoona ciidamadaasi la isugu keenay oo tababarka loogu soo xidhay Kulliyadda Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne ee duleedka Waqooyi Bari ee Caasimadda Hargeysa.

Waxaana xafladaasi laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada ciidamada qaranka ku soo biiray ee tababarka qaadatay. Kuwaasoo lagu la dar-daarmay inay tacabkii qaranku geliyey bulshadooda ugu adeegaan.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isna bogaadiyey ciidamada tababarka dhammaystay iyo macallimiintoodaba. Waxaanu tilmaamay inay kusoo biireen ciidamo Sharaf leh oo xuquuqaha Aadamaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ciidamada saaka tababarka loo xidhay iyo goobihii kala duwanaa ee ay carbiska kusoo qaateen.

Waxaanu hoosta ka xarriiqay in qaranku tacab badan geliyey ciidamadan, loogana baahan yahay inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gar-darrada maamulka Puntland ku soo qaadeen gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Taliye Taani, ayaa carrabka ku adkeeyay in aanu qaranku ka dulqaadanayn daandaansigaa dalka lagu wado.

 

 

Leave a Reply