Fahamka Xaqiiqda a Badbaado Ah!

0
238

Markii ay gabadhiisu xanuunsatay ayuu ugu yeedhay Dhakhtar, markii uu qolkii gabadhu ku jirtay galay dhakhtarku ayuu ninka u sheegay in uu debedda ku sugi inta uu waraynsayo.

Waana uu ka aqblay dhakhtarka amarkiis.  Muddo yar ka dib ayuu dhakhtarku u u yeedhay ninka oo ka codsaday in uu u keeno Middi. Laakin waxa uu sheegay in aanay guriga midiyo oolin isagoo yaaban.

Haddan wax yar ka dib ayuu ka codsaday dhakhtarku ninkain uu  Dubbe iyo Dimis. U keeno, Isagoo yaaban ninku ayuu aqbaly oo uu u keenay.

Laakiin haddana wax yar ka dib ayuu ka codsday in uu u keeno miishaar.  Yaabkii ninka hayay waxa uu isu bedealy cabsi iyo naxdin , waxaana uu ku yidhi dhkahtarkii : ”Dhkahtar haddii xaaladdu gabadhaydu ay aad halis u tahay miyaanay ahayn in aan dhkahtarka geyno?.

Dhahtarkii ayaa ugu jawaabay: ”Maya, maaha xaaladda gabadhu mid halis ah, alaabtan waxan ku weydiisanya in aan shandada oo ii furmi weyday aan ku furo, si aan ugala soo baxo qalabkii aan ku baadhi lahaa xaaskaaga.  Mar kasta arrinka aad fahmi weydo hubi inta aanu kugu abuurin naxdin iyo argagax.

 

 

 

 

Leave a Reply